Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: شرحبيل on September 12, 2018, 10:15:27 AM

Title: Su'aal: Saliid saytuun ma la marin karaa xubinta?
Post by: شرحبيل on September 12, 2018, 10:15:27 AM
Asc Dr , cilmigaa baratay Ilaahy hakugu anfaco , suaasheyda waxay tahay ;Saliid saytuun xubinta taranka raga mala marin karaaa si ay u adkeyso ? Faaido ma uleedahay  saliid saytuunka xubinka raga ? Haddii lamarinkara nuuca ugu haboon ee lamarinkaro iishg ? Dhibaato kadhalan karto hadii ay jirtana isheeg . Dr wa mahdsantahy .
Title: Re: Su'aal: Saliid saytuun ma la marin karaa xubinta?
Post by: SomaliDoc on February 05, 2019, 08:20:02 PM
Way jirtaa diraaso lagu sameeyay dalka giriigga oo sheegtay in saliid saytuunka oo cuntada lagu darsado inuu sare u qaado hammiga iyo awoodda ragga, laakiin weli lama sheegin in xubinta lagu daliigo si ay u adkaato ama u waynaato, taasi weli caddayn looma hayo, horay ayaan uga hadalnay qoraal ku saabsan waxyaabo badan oo la sheegay in xubinta ay weyneeyaan ama adkeeyaan ee ka akhriso link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5846.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5846.0)

Saliidda saytuunka faa'idooyin badan ayay jirka bini'aadanka u leedahay, cilmibaarisyo badanne waa lagu xaqiijiyay ee qoraalkaan ka akhriso faa'idooyinka caafimaad ee saliid saytuunka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=8635.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=8635.0)