Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Sahil on December 09, 2018, 02:37:28 AM

Title: Su'aal: Dhagaha oo leh malax ama dhecan?
Post by: Sahil on December 09, 2018, 02:37:28 AM
Asc dhakhtar magcaygu wa sahil wxey dhibato ika haysa dhagta midig oo malax/dhecan jogto ah kasocdo ila yarantaydi dhakhatir bdn wan boqday lkn wali wx natijo mahayo hda dhagti sida ta kale sfcn maqalkedu maha mrka mxn sameya mhdsnid
Title: Re: Su'aal: Dhagaha oo leh malax ama dhecan?
Post by: SomaliDoc on April 07, 2019, 11:38:47 PM
Walaal cilladaasi waxaa la dhahaa "Otitis Media" waa caabuqa ku dhaco dhegta gudaheeda, markuu qofka ku raagane way dhib badan tahay daaweynteeda oo mararka qaar qofka wuxuu u baahnaan karaa qalliin, taladaydu waa inaad la xiriirta dhakhtar dhegaha ku takhassusay ee E.N.T sababtoo ah cilladaan markay heerkaasi gaarto goojo iyo kaniini waxba kama tarto. faahfaahinta cilladaan ka akrhiso link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=546.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=546.0)