Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Khadar55 on May 08, 2015, 01:53:50 PM

Title: Su'aal: Gacan murqacasho?
Post by: Khadar55 on May 08, 2015, 01:53:50 PM
Asc wr wb walalayaal suaal aya qaba suaashaydana waa sidan gacanta ilaabmatay ano kubad ciyarayo xusulka ayaa dhulka igalay kadib xusulka harerihisa ayaa sacado kadib ika so bararay gacanta fidiskeda iyo laabiskeda labadaba marka samenayo xanun wayn aa darema 
1 maxa bararkaas ika daji karo aa ku sameya
2 maxa xanunkas ika baabi i karo dawoyin ama wax kale dabiici eh
Title: Re: Su'aal: Gacan murqacasho?
Post by: SomaliDoc on May 11, 2015, 01:46:54 PM
Khadar, sida ugu dhakhsiyaha badan ugu tag takhtar si laguu saaro raajo ama sawir suxulka ah.
Maxaayeelay, suxulka wuxuu ka mid yahay meelaha si sahlan tarar ama fiiq u gaari karo, waana in aad tarar ama jab ka shakisaa haddii aad isku aragtid in gacanta aadan laabi karin ama fidin karin, barar iyo xanuune ay leedahay 24 saac ka dib markii ay jugta ku gaartay.