Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Miss Bilan on June 12, 2017, 05:53:12 PM

Title: Su'aal: Waxaa i gariira wadnaha si saa'ida?
Post by: Miss Bilan on June 12, 2017, 05:53:12 PM
asc warxma su aal Ayan qaba waxan leyahay naqas marka inta uuna igu dhagin kahor waxa igariira wadnaha si SAA ida waliba marka kadib neefta Ayan Kantaroli Kari waya gacmaha iyo luguhuna bila abood bay inoqdan marka dhakhtar ma anan arag dawadisa Ku aan isbadal Ku arko
Title: Re: Su'aal: Waxaa i gariira wadnaha si saa'ida?
Post by: SomaliDoc on March 04, 2018, 08:09:45 PM
Wadnaha oo ku gariiro, kadibne naqaska kugu dhago waxay tilmaan u noqon kartaa wadne xanuun, marka waxaa muhiim ah inaad dhakhtar ula xiriirtid sida ugu dhakhsiyaha badan si laguu baaro, cudurrada ugu caansan ee calaamadahaan leh wuxuu noqon karaa "Atrial Fibrillation" oo ah gariir wadnaha ku dhaca taasoo ka dhalatay khalkhal dhinaca korontada ah, ama waxay noqon kartaa wax iska fudud sida gaaska oo kale taasoo keeni kara wadne garaac, kadibne dhaqaska kugu dhego taasoo ka timid aaryo ama hawo caloosha ka timid oo muruqa u dhaxeeyo caloosha iyo feeraha cadaadisay.

Marka taladaydu waa inaad dhakhtarka si degdeg ah ula xiriirtaa...