Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Yaasir Yare on June 16, 2017, 09:30:13 PM

Title: SU'AAL: SALIIDA DOO GRO STIMULATING AYAAN ISTICMAALA?
Post by: Yaasir Yare on June 16, 2017, 09:30:13 PM
     ASC bahda somalidoc bacda salaan manta waxaan raba manta madama aad tihiin dhakhtarada kaliya ee xaga internetka dadka ka caawiya
     waxaan ahay wiil 22 jir tinta ayaa xoga iga khafiiftay go;gona way biloowday mudo laga joogo 3 sano waxaan helay sanadkii na dhaafay saliid ladhaho doo gro stimulating 4.5l oo ah mid yar oo af dhuuban mudo sanad ah ban isticmaalayay isbedela wan ku arkay tintii oo iso baxday go'go ina joojisay balse maalin dhawayd waxaan meel ku arkay inay side effect ledahay oo ah cancer iyo cilad xaga dhalmada ah reseach badan ban sameyay wan arki wayay mar danbe qoraalki google ka raadiyay youtube ka laftigisa ka raadiyay bal in laso galiyay side effectiga ka wayay inay xaga timaha u wanaagsan tahay uun bay dadku hadal hayaan markaa plz doctor arinta igaso jahilsara hadaa wax kala socotan.
Title: Re: SU'AAL: SALIIDA DOO GRO STIMULATING AYAAN ISTICMAALA?
Post by: SomaliDoc on March 09, 2018, 07:19:02 PM
Saliidaan aqoon khaas ah uma lihi, laakiin haddii aad ii sheegtid waxyaabaha ay ka kooban tahay talo waan kaa siin karaa dhibka ay yeelan karto inkastoo badanaa saliidahaan tinta loo xayeysiiyo aan lagu soo qorin waxa rasmiga ah ee ay ka samaysan tahay.