Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ahmed_Carab on August 06, 2018, 10:28:37 PM
-
Asc .. bacda salaam .. waxaan rabaa inaan idin weydiiyo su'aal ah:
Waa maxay faa'idooyinka caafimaad ee sunta daba-qalooca (Scorpion)?
ma runbaa in lagu daweeyo xanuuno dhowr ah sida kanserka, malariyada iyo wixii intaa ka badan, sidoo kale waxaa la yiri in loo isticmaalo like pain killer.
Bal noo faa'ideeya.
-
(http://somalidoc.com/Topics/dibqallooc.png)
Sunta dib-qallooca waxaa loo adeegsadaa arrimo dhowr ah dhinaca cilmibaarista caafimaadka khaasatan kuwaan hoose:
- Xakamaynta Xanuunka: driaasada la daabacay sanadkii 2013-kii waxaa la ogaaday in sunta dib-qallooca ay leedahay awood xanuun baab'iye tasoo la rajaynayo in laga sameeyo xanuun baab'iye awood leh.
- Baab'inta unugayda kansarka: waxaa la arkay in sunta dib-qallooca markii jirka ay gasho inay raadsato unugyada aan dabiiciga ahayn ee jirka ka soo baxa sida kuwa kansarka taasoo haddii midab loo yeelo tilmaan u noqon karto meelaha unugyadaasi ay ka soo baxeen inta aysan kansar isku badalin, waa baaritaan aan weli soo gabagaboobin laakiin lagu rajo wayn yahay inuu wax ka badalo daaweynta kansarka.
- Caawinta xubno ku tallaalidda jirka: sunta dib-qallooca waxay hoos u dhigtaa difaaca jirka, taasoo ahmiyad u yeelan karto dadka lagu tallaalo xubnaha cusub sida kilyo-beerista IWM, si looga hortago in jirka uusan dagaal ku qaadin xubinta cusub ee lagu tallaalay, arintaane weli baaris baa ku socoto inta aan la ansixin.
- Xanuun laabatooyinka: sunta dib-qallooca waxy waxtar u leedahay xanuuanda riixa iyo roomaatiisamka, waxaana jira dad ku nool dalka Cuba oo arintaasi u adeegsado si looga hortago in xanuunka uusan baab'in lafaha kalagoysyada, laakiin weli ma ahan arrin la isku waafaqsan yahay.
- Duumada / Malaariyada: sanadkii 2011-kii cilmibaarayaal ka tirsan jaamcadda Maryland waxay sheegeen walxo ku jira sunta dib-qallooca inay dili karaan jeermiska malaariyada keeno ee kaneecada laga qaado, taasoo ay tijaabo ahaan u xaqiijiyeen laakiin weli ma ahan wax daawo alga dhigay ama la isticmaalo hadda.
Way jiraan arrimo kale oo cilmibaaris lagu wado taasoo la filayo in sunta dib-qallooca xal u noqon doonto mustaqbalka dhaw inkastoo ay jiraan umado badan oo dhaqan u tahay inay sunta dib-qallooca ku daaweeyaan xanuunada qaar, kuwaasoo qaarkood ay ku nool yihiin dhulka ku hareereysan webiyga Amazon ee koofur ameerika.