Recent Posts

Pages: [1] 2 3 ... 10
1
Qaybta Su'aalaha / toxic shock syndrome (TSS)
« Last post by Akhaa Binu Jowhari on February 20, 2018, 05:59:40 PM »
Doc Asc,
Waxan doonnayaa in wax ka ogaado cudurka TOXIC SHOCK SYNDROME


Maxuu yahay?
Mahadsanid
2
Fadlan, link-ga hoos kaga muuqda Guji.
Si aad u daalacato Dhammaan Elargics nuucyadeed kala duwan.


http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,532.0.html
3
Qaybta Su'aalaha / Su'aal: Waa maxay xanunka allergic dermatitis?
« Last post by Ismail Sky on February 16, 2018, 12:35:43 PM »
Asc walal Waxan raba in wax laiga sheego xanunka allergic ku dhaca maqarka dawa maleyahay Qatar Inte LA eg ayu leyahay xanunkan
4
Qaybta Su'aalaha / Su'aal: Sinuswars daawo la dhaho ma jirtaa?
« Last post by Med Hassan on February 16, 2018, 10:35:15 AM »
Sinuswars dawad layidha ma jirta wll
5
Qaybta Wacyi Galinta / Cudurrada Jabtada iyo Waraabowga
« Last post by CilmiSabca on February 15, 2018, 07:12:43 PM »
Mowduuceena ku saabsan Wacyi galinta bulshada, waxa aynu markaan ku soo qaadaneynaa laba cudur oo ka mid ah cudurrada faafa ee lagu kala qaado Galmada.
 Labadaan cudur oo inta badan ay bulshadeenu wada garaneyso balse ay jiraan dad badan oo isku qalda labada cudur, halka ay qaar kale oo badani u maleynayaan in labada cudur ay yihiin hal cudur oo leh laba magac, inkasta oo aysan isku mid aheyn oo mid walbaa si gooni ah loo daaweeyo.
 
 Labada cudur ee aanu halkaan ku soo koobi doono, waxa ay kala yihiin:
 1 Cudurka Jabtada iyo
 2 Cudurka Waraabowga.
 

CUDURKA JABTADA
 (Gonorrhea)
 Akhriso, Faahfaahinta Cudurka Jabtada
 Cudurka Jabtada waa cudur ka mid ah   cudurrada faafa ee la iskugu gudbiyo Galmada, waa cudur ku dhaca hab-dhiska taranka ee ragga iyo dumarka.
 
WAXYAABAHA SABABA
 Cudurka Jabtada, waxa sababa bacteria loo yaqaanno Neseria Gonorrhea amma Gonococci, waxaana jeermiska cudurkaan la ogaaday sannadkii 1879kii.
 
XILLI HUURISKA
 (Incubation Period)
 Xilli huuriska cudurkaan wuxuu gaadhaa 15 ilaa 30 maalmood.
 
CALAAMADDAHA RAGGA
  • Kaadida oo jaalle (yellow) noqota
  • Kaadida oo xanuujisa marka ay soo baxeyso
  • Guska oo xanuuna
  • Kalyaha oo xanuuna.

 CALAAMADDAHA DUMARKA
  • Kaadida jaalle noqota
  • Kaadida oo xanuujisa marka ay soo baxeyso
  • Siilka oo xanuuna (oo lahan kaca)
  • Kalyaha oo xanuuna.

SIDA UU U FAAFO
 Cudurka Jabtada, waxaa lagu kala qaadaa marka ay laba qof oo uu midkood qabo cudurka jabtada ay isku galmoodaan.
 Waxaana lagu ogaan karaa iyada oo la baadho kaadida qofka.


DAAWEYNTA


 Daaweynta cudurka jabtada, waxay ku xidhan tahay, in marka hore qofka uu sameeyo baadhitaan kaadida ah, waxaana daawada qora dhakhtar, ka dib, marka uu baadhitaan dhinacyo badan ah & wareysi la yeesho qof qaba cudurkaan.
 Hase yeeshee, qofka caafimaadkiisa kale uu fiican yahay, daawooyinka ugu caansan ee cudurka jabta looga daaweeyo, waxaa weeye:-
 -Gentomycine Injection 80mg 1x2x7 maalmood
 -Penicillin V tab 250mg 1x2x7 maalmood
 -Penicillin G Injection 1gr 1x1x7 maalmood
 -Multi-Vitamins Syrup.
 


CUDURKA WARAABOWGA
 (Syphilis)
 Akhriso, Faahfaahin cudurka Waraabowga
 Cudurka waraabowga, waxaa lagu kala qaadaa Galmada, wuxuuna ka mid yahay cudurrada halista ah ee faafa.
 Calaamaddiisa ugu soo horeysa, waxaa lagu gartaa boog sida Nabarka oo kale ah oo loo yaqaanno Syphilis Ulcer. Nabarkaas oo lagu arki karo cawrada ragga iyo dumarkaba. Haweenka wuxuu uga soo baxaa gudaha siilka, mana la ogaan karo, sababtoo ah, wuxuu jidhka qofka ku maqnaan karaa muddo 9 ilaa 90 maalmood ah, waana nabar aan xanuun laheyn, waxa uuna ka mid yahay cudurrada halista ah ee haddii aan si la hubo loo daaweynin baabi'in kara xubno badan oo jidhka ka mid ah.
 
MAXA SABABA?
 Cudurka Waraabowga, waxaa sababa, bacteriyo loo yaqaanno Treponema Palladium, sidaas daraadeed, cudurkani wuxuu lee yahay saddex marxaladdood, waxaanay kala yihiin:
MARXALADDA KOOWAAD
 2 ilaa 3 bil waxaa la arkaa nabar aan xanuun laheyn oo ka soo baxa cawrada qofka.
 
MARXALADDA LABAAD
 Waxaa la arkaa nabar xanuun leh oo ka soo baxa Jidhka, Qanjidhada oo barara iyo Madax xanuun.
 
 MARXALADDA SADDEXAAD

 Laba sanno ka dib, waxaa la arkaa:
  • Maqaarka oo burbura
  • Timaha oo go' go'a oo bilaaba daadasho
  • Murqo xanuun
  • Lafo xanuun
  • Neerve xanuun iyo
  • Wadne xanuun.

RAADKA UU KU REEBO HAWEENKA AAN LAGA DAAWEYNIN
  • Dhicis soo noq noqda
  • Ilmaha oo dhimasho ku dhasha
  • Ilmaha oo dhasha iyaga oo aan billo dhammeysanin
  • Ilmaha oo ku dhasha calaamaddaha cudurka waraabowga.
DAAWEYNTA.
 Daawada waxaa qofka u qora dhakhtar, ka dib, marka uu sameeyey baadhitaan iyo wareysi uu la yeeshey qofka qaba cudurkaan.
 
 Daawooyinka ugu caansan ee cudurka waraabowga waxa weeye:
 
 Benzathine Penicillin 1.2 unit by I/M inj, 3 maalin ka dib
 Benzathine Penicillin 2.4 unit by I/M inj oo lagu darey Vitamin B Complex inj 6 maalmood ka dib.
 
 

TAXADDAR...!
 DAAWADA WAA IN UU QORO DHAKHTAR.

Waxaan mowduucaan ku ogaaney in aysan labadaan cudur isku mid aheyn dhinaca daaweynta, waxa kaliya ee ay wadaagaan waa sida ay u faafaan oo ah, markii uu qof qaba cudurradaan midkood,  u gudbiyo qof kale oo aanan qabin xanuunnadaan.

Haddii uu qofku iska shakkiyo, waa in uu la xidhiidhaa Dhakhtar si loogu xaqiijiyo xaaladdiisa caafimaad,  Insha Allaah.
Allaa Mahad leh.
6
Qaybta Su'aalaha / Su'aal: Wejiga oo finan iga soo baxeen?
« Last post by Ahlam10 on February 15, 2018, 06:44:23 AM »
Asc Dr salaan kadib.----
Waxaan isku arkay wejiga finan badan iga soo yaaceen waxaan cunaaa ukun(white egg) kahor wejigayga wax finan ah malahyn markan cunaba finan kale ayaa iga soo baxa (acne) skinkayguna waa oily skin.  ukunta miyaa sababysa finanka iga soo yaacaya as allergic  mise waa waxkale mahadsanid
7
Sax Dr waa markaan u soo baxa keel iftiin waxa xanuuna iguma hayso
8
Qaybta Su'aalaha / Re: Su'aal: Cidida salkeeda oo bukoota?
« Last post by Salaado cali on February 14, 2018, 02:00:33 PM »
Shukuran Dr waan aadi dr
9
Qaybta Su'aalaha / Re: Maqaarka Oo aad ii ololaya gaar ahaan lugaha
« Last post by Akhaa Binu Jowhari on February 14, 2018, 07:11:47 AM »
Fadlan, akhriso link-ga hoos kaga muuqada inta dhakhtarka kaaga soo jawaab celinayo.
Weliba, waxa ka faa'iidi doonntaa linkiyo badan ku lifaaqsan link-gaan, oo ka hadlaya wax aad sheeganayso.


http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5658.0
10
Qaybta Su'aalaha / Su'aal: Maqaarka Oo aad ii ololaya gaar ahaan lugaha?
« Last post by Kim Jong Un on February 13, 2018, 06:40:05 PM »
Asc doctor waad mahadsanthay waan kaaga mahadcelinynaa sida aad mar walba noogu heelin tihiin.
Ayaamahan danbe waxaan isku arkay xasaasiyad dhinaca Maqaarka oo lugaha iyo gacmaha iyo dhabark xaga sare ee garbaha ku badan iiyo meelo kale oo jirka  ayaan dhexdaasana waxaa jirka igaga kacay xasaasiyad aan iri waa lactose intolorence oo astaamaha cudurkaa wadata
Iminkana waxaan yara dareemayaa maqaarka meelahaa aan soo sheegay oo aad moodo inuu i ololayo oo uu i daadanayo
Markaa doctor Maxaa sababa xasaasiyadan.
Xasaasiyad sanka iga haysana waan leeyhy oo aan is idhi waa Sinuses
Mahadsanid.
Pages: [1] 2 3 ... 10