Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Naale on January 06, 2012, 11:20:32 PM

Title: Su'aal: Illowshiyaha badan maxaa keena?
Post by: Naale on January 06, 2012, 11:20:32 PM
Asalamu calaykum walaalayaal, magaceyga waa cabdinaasir cali maxamed, waxaan ku noolahay wadanka kenya.

baryahaan dambe waxaan isku arkay marxalad illowshiyo ah, waxaa dhacda in marmarka qaar aan kala saari waayo wixi aan maalin ka hor sameeyay. da'deydana aad ayey u yartahay 22yrs waxaana ahay arday inkastoo aan ku fiicanahy xusuusta casharada, hadana waxaa culeys iga heystaa dhanka xusuusta marka laga hadlaayo howl maalmeedka, sidoo kale waxaa dhacda in dadka qaar oo ay iigu dambesay 5sano ka hor aan xasuusan waayo....marka Dhaqtar maxa igula talin leheed inaan sameeyo walina isbitaal uma tagin waayo waan yareestaa.
Title: Re: Su'aal: Illowshiyaha badan maxaa keena?
Post by: SomaliDoc on January 07, 2012, 02:43:26 PM
(http://somalidoc.com/Topics/hilmaan.png)

Waxaan ka hadlayaa hilmaanka iyo ilowshaha ay ka sheegtaan dadka dhalinyarada ah ee kama hadlayo kan da'da la xiriirto iyo duqnimada, taaso oo horay dhowr jeer uga hadlay.

Xasuusta marka hore alle ayaa bixiyo isagaane kaa qaadi karo, kuuna soo celin karo waa in aad marka hore rumaysaa arrintaas, midda xigta ma jirto wax daawo ah oo loogu tala galay in qofka hilmaankiisa lagu xalliyo, midda sadaxaad xaaladaha hilmaanka ugu badan ee ka sheegtaan dhalinyarada waa xaalado kumeel gaar ah oo laga gudbo badanaa.

Ogow haddii aad isku aragtid in aad wax xifdin la'dahay ama waxaad xifidisay in aad soo xasuusan wayso taasi macnaheeda ma ahan in cudur xasusuta lumiyo kugu dhacay sida alzheimer-ka oo kale, akhriso waxa xanuunkaan uu yahay:

Ilowga ama hilmaanka waxaa keeni karo waxyaabo badan oo cudur ka mid noqon karo laakiin waxaa ugu caansan 7 arrimood, kuwaas oo kala ah:

Hilmaanka ku yimaado xaaladahaan kore qofka wuu ka bogsan karaa hadduu joojiyo waxyaabaha dhibka ku hayo, waana ku meel gaar dhibaatada maskaxda gaarayso illaa inuu qofka muddo waday dhibaatadaas, taasoo saamyn joogto ah ku yeelatay maskaxda mooyee.

Hilmaanka & Ilowga wuxuu ka imaan karaa cudur ama jug madaxa gaartay hadda ka hor, ama xanuun qoor-gooye/meningitis hadda ka hor kugu dahcay ama cudur qallal oo aan daawo ka qaadanin, cudurka howlgabka qanjirka thryoid-ka oo ku badan haweenka soomaalida intaba way keeni karaan, waxaa kaloo ka imaan karaa haddii ay maskaxda ku yaraato oksajiinta sida cudurka neefta oo aan daawo loo qaadan ama wadnaha oo howlgabo.
Haddii ay jiraan cudurradaan mid ka mid ah, la xiriir dhakhtar kaa daaweeyo.
Akhriso qanjirka thyroid-ka oo howlgabo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5559.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5559.0.html)

Talo:
Fadlan ku dadaal alle ku xirnaanta, akhriso quraanka, alle waydiiso inuu hilmaanka kaa qaado awooda xifdintane kuu kordhiyo, kana fogow waxyaabaha alle ka caraysiiyo oo sida aad u jeedidba ay tahay asbaabaha ugu badan ee keeno arrintaan taasoo loo fasiran karo ciqaab xag alle.
Waxaan soo xasuustay sheeko hadda ka hor dhex martay Imaam shaafici iyo shiikhiisa mar uu uga sheegtay wax xifdin la'aanta iyo hilmaanka casharada, wuxuu imaam shaafici shiikhiisa ku jawaabay: ka fogow macsida lle, cilmigu waa nuur, rabina nuurkaas ma siiyo qof ku caasinayo.
Marka aan qaadano talada caafimaad ee sayidnaa imaam shaafici la siiyay alle ha u naxariistee.

Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Su'aal: Illowshiyaha badan maxaa keena?
Post by: Safia2727 on January 14, 2012, 08:06:36 AM
 HA way dhacdaa arimahaas waayo maskaxdo wa xan oo go'an ayay xamili kartaa, so don't worry...may be fekerka iskuulka ayaa more kugu ah so waxaad yaraysay howlaha aduunka kale ee just relax and balance your school studies and normal life kaaga waayo waxaa mashquul noqon kartaa inaan phycological ahaan aan maskaxdu wax gaaraann..
Title: Re: Su'aal: Illowshiyaha badan maxaa keena?
Post by: Naale on February 18, 2012, 11:07:16 PM
waa mahadsan tihiin in badan