Somali Medical Forums

Medical Student Forums => I want to Study Medicine => Topic started by: Albashiir on September 05, 2007, 12:13:12 AM

Title: Study Medicine in Jordan
Post by: Albashiir on September 05, 2007, 12:13:12 AM
MARKA HORE DHAMMAAN DHAKHAATIIRTA SOOMAALIYEED EE XAADIRKA IYO KUWA MUQSABALKABA WAXAAN KU SALAAMAYAA SALAANTA ISLAAAMKA.SALAANTAAS KADIB. ALLE BAA MAHAD ISKALEH MARKA HORE,KADIBNA WAXAA MAHAD ISKALEH DHAKHAATIIRTA KA SHAQAYSAY HIRGLINTA WEBSITKAN.
HADAAN INTAAS KA GUDBO,ANIGA WAXAAN KAMID AH DHAKHAATIIRTA  SOOMAALIYEED EE MUSTAQBALKA INSHA ALAAH,WAXAANA WAX KA BARTAA JORDAN ANIGA IYO ILAA 20 ARDAY, INSHA ALAAH WAXAANA RAJAYNAYNA IN  AY SOO KORDHE DOONAAN SANADADA SOO SOCDA.
 INTA BADAN ARDAYDAAS WAXAA AY KALA DHIGTAAN JAAMACADAHA KALE AH:-
    1-JORDAN UNIVERSITY OF SCEINCE AND TECHNOLOGY
    2- JORDAN UNIVERSITY
 LABADA JAAMACADOOD  MID KAMID AH WAXAA AY KU TAALAA CAASIMADA(AMMAN) MIDA KALENA GOBLKA ERBID EE WAQOOYIGA MAMLAKADA, INTADA BADAN ARDAYA SOMALIDA EE CAAFIMAADKA BARTA WAXA AY JOOGAAN GOBALK ERBID.
XAGA WAXBARASHADA ARDAYDA WAXAA AY ISKU JIRAAN SANADKA 1AAD,2 AAD ILAA SANADKA 4 AAD.
WAXBARASHADA CAAFIMAADKA EE JORDAN WAA SIDAN:- 3 SANO EE HORE WAXAAD KU QAADANAYSAA JAAMACADA, 3 SANO OO KALENA WAXAAD KU QAADANAYSAA ISBITAALKA,1 SANO WAA IMTIYAAZ
LABADA JAAMACADOOD EE ARDAYDA SOOMALIYEED EE CAAFIMAADKU AY DHIGTAAN, WAA JAAMACADO CAALAMI AH,LUQADD WAXBARASHADANA WAA ENGLISH.
ARDAYDA SOOMAALIYEED EE CAAFIMAADKA BARTAA WAXA AY ISKUGU JIRAAN KUWA MINXO WAXKUBARTA IYO KUWA IYAGA ISKABIXIYA
MINXADA ARDAYDA WAX KU BARATA WAA MINXADA  ISLAMIC DEVELOPMEN BANK IYO DAWLADA JORDAN OO USII MARSIISA SAFAARADA SOOMAALIYA EE SACUUDIGA KUTAAL.
WIXII FAAHFAAHIN AHNA WAXAAD KA HELAYSAA
WWW.JUST.EDU.JO (http://WWW.JUST.EDU.JO)
WWW.JU.EDU.JO (http://WWW.JU.EDU.JO)
WIXII KALE OO FAAHFAAHIN AHNA INSHA ALAAH WAAN SOO GUDBIN DOONAA
Title: Re: Study Medicine in Jordan
Post by: Admin on September 05, 2007, 12:44:31 AM
Walaalkeen Albashiir, ku soo dhawaaw gacmo furan.
waa wax aad loogu farxo in arday cadadkoodu intaa gaareyso ey caafimaad ka bartaan wadanka jordan waxaana oran karaa waa guul weyn oo noo soo hoyatay, allahane noo siyaadiyo.
walaalkeen waxaan ku weydiin lahaa ardayda iyaga iska bixiya lacagta jaamacada waa imisa lacagta sanadkii?
haduu qofka rabo inuu wax ka barto halkaa uuna lacag wato maxaa kale oo muhiim ah ayaa looga baahanyahay?
mahadsanid
Dr.Mahdi
Title: Re: Study Medicine in Jordan
Post by: Albashiir on September 19, 2007, 01:38:04 PM
nidaamka jaamacada walaal waa nidaamka sacadaha marka walaal medicinkana jaamacada jordan waa 256 saac saacadiina waa lacag dhan $280(200JD lacagta wadankan ah)marka walaal marka lagu dhufto waxaa soo baxaysa lacag dhan $71680 waxaana sii dheer lacagta nolosha walaal
ardaygii awooda intaa walaal wax kale oo looga baahan yahay  ma jiraan qofkii u baahana walaal gacmo furan ayaan ku soo dhawaynaynaa hadaan nahay ardayda reer jordan waadna mahadsanthay[/i]