Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Haweenka => Topic started by: SomaliDoc on January 04, 2018, 09:27:15 PM

Title: Yaraanta Tirada & Tayada Ugxanta Dumarka.
Post by: SomaliDoc on January 04, 2018, 09:27:15 PM
(http://somalidoc.com/Topics/ugxanta.png)

Bismillah,

Waxaan maanta ka hadlaynaa cashar muhiim u ah haweenka kaasoo ku saabsan mawduuc fikrad buuxda aan laga haysan, taasoo keenta mararka qaar inay ka faa'idaystaan qowleysatada caafimaad si ay uga beec mushtaraan daawooyinkooda iyagoona welwel iyo isku-buuq ku fura haweenka.

Haweenka wuxuu Alle ku abuuray ugxamo ku keydsan ugxan sidaha, ugxamahaas hadafkoodu waa in la bacrimiyo xilliga uurka, sidaasne ay haweentu uur ku qaaddo.

Ogow ugxan cusub ma samaysanto!:
Haweenku way ku dhashaan tiradii ugxanta ee Alle ugu talagalay, haweenku awood uma lahan inuu jirkoodu sameeyo ugxan cusub, mana jirto daawo kordhinaysa tirakoobka ugxanta ee Alle ku abuuray dumarka, waxaa lagu qiyaasaa in ugxansidaha ay ku jiraan 1 ama 2 milyan oo ugxan, wixii markaa ka dambeeyo illaa ay haweentu ka dhalmo dayso, ugxanteedu way sii yaraataa. inta ay ka qaangaarayso gabadhu, bil walba wuxuu Alle ugu talagalay inay wayso 11,000 oo ugxan, waana arrin ay haweentu ka wada siman yihiin. Markay gabadhu qaangaarto waxaa u hara qiyaas ahaan 300,000 oo ugxan.

300 illaa 400 ugxan kaliya ayuu ugxan sidaha soo dayn karaa oo bacrismi kara ama caado isku badali kara inta ay haweentu nooshahay, kullamaa da'da haweentu ay sii kororto, ugxantu way sii yaraataa, markay ugxantu dhamaato, haweentu waxay gashaa xilliga dhalmodayska inkastoo haweenku ay ku kala hormari karaan.

Tirada ugxanta ee ku keydsan ugxansidaha waxaa afka qalaad lagu dhahaa "Ovarian Reserve" ama "Keydka Ugxanta", waxaana jiro baaritaanno kala duwan oo lagu ogaan karo tirada iyo tayada ugxanta maadaama ay jiraan cudurro dhowr ah oo hoos u dhigi kara tirada iyo tayada ugxanta markii laga reebo da'da sida aan hoos ku faahfaahin doonno.

Sidee ayuu ugxan-sidaha u shaqeeyaa?
Ugxansiduhu wuxuu muhiim u yahay soo saarista ama soo tuurista ugxanta si loo bacrimiyo, xaaladaas oo loo yaqaano "Ovulation", haddii ugxantaas la soo daayay ay fursad u hesho in la kulanto shahwada ragga way bacrisantaa, halkaasne uur ayaa ka dhasho, haddii ay taasi suura gali wayso, caado ayay isku badashaa.

Habdhiska taranka haweenka waxaa xakameeyo hormoonno dhowr ah oo qaarkood laga soo daayo maskaxda, qaarka kalane laga soo daayo ugxansidaha, hormoonadaas oo la isku daray waxay sameeyaan waxa loo yaqaano "meertada taranka" ama waxa loo yaqaano "reproductive cycle" maadaama ay haweentu marto marxalado taran oo kala duwan bil walba.

Meertada taranka wuxuu qaataa 24 illaa 35 maalmood, waqtigaas gudihiisa ayay ku qaangaartaa ugxanta oo ay diyaar u noqotaa in la bacrimiyo.

Illaa 5 hormoon ayaa xakameeyo meertada taranka haweenka waxaana loo kala yaqaanaa "GnRH, FSH, LH, Estrogen iyo Progesterone" sadaxda kore waxaa laga soo daayaa qanjir maskaxda ku yaallo, labada hoosane waxaa laga soo daayaa ugxansidaha laftirkiisa.

5-taas hormoon way isla shaqeeyaan, marna kuwaa kacsan, marne kuwaa hooseeya, waxayna ku xiran tahay marxalada ay haweentu kaga sugan tahay meertada taranka ee bishaas. marka hadduu khalkhal ka dhaco isu-dheelli tirka hormoonadaan waxaa dhaca in caadadu ay wareerto ama haweentu ay uur yeelan wayso, waana sababaha ugu weyn ee haweenku u raadsadaan talo dhakhtar.

Sidee loo baaraa tirada ama tayada keedka ugxanta?
4 baaritaan ayaa lagu ogaan karaa arintaas oo kala ah:

Yaa baaritaannadaan akhrin karo ama tala ka bixin karo?
Waa muhiim in aad la kulantaa dhakhtar ku takhassusay cudurrada haweenka si uu baaritaannadaan kuugu diro, talane kaaga siiyo, sababtoo ah baaritaannadaan xilliyada la dirayo iyo in go'aan lagu dhisi karo waxay ku xiran tahay in qofka kaa baarayo aqoon u leeyahay, laakiin waxaa dhibaato ah in baaritaannadaan uu kuu diro qof aan aqoon u lahayn, jawaabta soo baxdane aan talo haboon kaa siin karin, waana dhibka ugu badan ee haweenka qaar heysto, tusaale ahaan baaritaannada kor aan ku soo xusay markii laga reebo kan ugu hooseeyo ee "AFC" waxaa la sameeyaa xilliga caadada ay haweentu ku jirto khaasatan maalinta 3-aad, maalmaha kale haddii lagaa qaado, jawaabta warbixin badan laguma dhisi karo khaasatan haddii aad baaraysid awoodda tarankaaga "Fertility Testing".

Talada SomaliDoc:
Waxaan filayaa akhrintaan dheer kadib inaad fikrad kooban ka haysatid baaritaannada lagu baaro keydka ugxanta dumarka tiro ahaan iyo tayo ahaan labaduba, laakiin ogow inay jiraan baaritaanno kale oo lagu ogaado cilladaha keeni karo inaad uur qaadi waysid ama isku aragtid dilan joogto ah ama soo laalaabto, akhriso qoraalkaan kale oo aan kaga hadlay dilanka soo noqnoqdo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6060.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6060.0)
Cilladaha kale ee ugu badan ee uur la'aanta keeno waxaa ka mid ah tubooyinka oo xirma oo iyadane nasiib xumo aan loo baarin qaabka saxda ah ee loogu tala galay, horay ayaana ugu faahfaahinnay cashar kale ee ka akhriso link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5791.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5791.0)

Alle wuxuu na faray dadaal intii karaankeenna ah inaad raadinno talo iyo baaris wixii aad caafimaad ku heli kartid, laakiin isaga kaliya ayaa Awlaad bixiyo, fadlan ka digtoonow qowleysatada caafimaad oo haweenkeena u adeegsada suuq ay ka ganacsadaan iyagoo wax faa'ido ah u soo kordhinayn, fadlan la xiriir dhakhtar la hubo aqoontiisa, takhassusne u leh cilladaha aad ka cabanaysid, ha rumaynin rajooyinka been abuurka ah ee lagugu beer laxawsanayo si jeebkaaga loo baarto.

Haddii aad u baahan tahay faahfaahin dheeraad ah ama su'aalo kale aad qabtid igala soo xiriir barnaamijka dhakhtarka la sheekeyso ee boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/)
Caafimaad baan idiin rajaynayaa, Intii awlaad raadinayso Alle ha siiyo, intii xanuusanne Alle ha caafiyo.
http://www.somalidoc.com (http://www.somalidoc.com)[/list]