Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Xikmaawi on February 20, 2016, 07:11:28 PM

Title: Su'aal: Waxaa dhuunta ilaa qoorta iiga yaal buur buur?
Post by: Xikmaawi on February 20, 2016, 07:11:28 PM
asc dr alle ha ku ciseeyo
muddo 10 sano waxa dhuunta ilaa qoorta iiga yaal buur buur qaar waan iska qalay qaarna wali waa igu yaalllan waa qanjirro dhagaha hoostoda ,dhuunta , qanjirada iyo dhamn inta u dhexaysa iguma hayaan xanuun mar dhif ah maahane waxan qaatay dawo badan antibiotics ilaa marki danbe dhakhtar ii qoray dawo TB dhaman kuma fiicnaan
 dr talo cafimad jazakalah
Title: Re: Su'aal: Waxaa dhuunta ilaa qoorta iiga yaal buur buur?
Post by: SomaliDoc on February 28, 2016, 01:40:51 PM
Xikmaawi, qanjir barary xalkiisu qalliin ma ahan, waan in la ogaadaa waxa barariyay, maxaa yeelay qanjirku hadduu bararo wuxuu astaan u yahay inuu jirka jiran yahay, wuxuu noqon karaa infekshan kaasoo dhowr nuuc oo kala duwan noqon karo wuxuu noqon karaa cillad qanjirrada haysato sida kansar iyo wax la mid ah, marka waxaa la sameeyaa in qanjirka cad laga jaro oo baaritaan loo dir ama dheecaan laga qaado hadduu dheecaan leeyahay.

Laakiin haddii aad qashid, kuwa kale way sii bararayaan, haddii aad iska wada bixisidne wax cilalda ku haysato kaa difaacayo ma jiraan.
Fadlan arrintaan ha sahlanin.