Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ahmed Coof on April 22, 2012, 10:41:16 PM

Title: Su'aal: Gariir aan ka dareemo futada?
Post by: Ahmed Coof on April 22, 2012, 10:41:16 PM
marka hore waan salaamayaa dhakhaatiirta noo dhib yareeyayay wax badan oo aanaan dadka kale weydiin karin amaba u sharaxi karin waad mahadsantihiin.
waxaan beryahan dambe isku arkey wax  aan islahaa waa babaasiir laakiin markii aan halkan ka akhristey ila ekaan waydey, waxaas oo ah waxaan dareemaa gariir sida telofoonka oo kale ah aan sidaasina u weynayn laakiin marmarka qaar badanaya marmarka qaana yaraanaya oo aan ka dareemayo futada, markii haye waxoogaa cuncun ah ayaan lahaa markaa waxaan soo iibsadey kareemada lagaga hortago babaasiirta cishooyin ka dib waxaa hadana dareemay gariirkaa yar oo aan wax xanuun ah lahayn laakiin waxaan is idhi amuu  wax kale wataa oo uu hordhac yahay
Title: Re: Su'aal: Gariir aan ka dareemo futada?
Post by: Koow on May 11, 2012, 03:44:33 PM
ASC,
Walaal arinkaas gariirka yar ah waxan dhihi lahaa wxuu la xiriiraa dhiig wareeg blood sirculation taas oo ku taxa luqda dhinaca Capillaries ,waxa jira rectal diseasses badan waxana kuula talin lahaa in aad dhaqtarkaada u tagtid uuna control ku sameeyo nooca xanuunkaada.
Mhadsanid.
Koow.
Title: Re: Su'aal: Gariir aan ka dareemo futada?
Post by: SomaliDoc on May 19, 2012, 04:32:04 PM
Gariirka ma waxaa dareentay markii kareemka aad marsatay mise ka hor? haddii ka dib ay tahay kareemka aad marsatay muxuu ahaa?