Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Xamze Mohamed on April 20, 2017, 12:04:45 AM

Title: Su'aal: 10 daqiiqo gudahood ayaa 5 mar kaadiyaa?
Post by: Xamze Mohamed on April 20, 2017, 12:04:45 AM
Dhaqtar waxan isku arkay kaadi badan 10daqiiqo gudahood inan 5 mar kaadiyo xiliyada habeynkii dhaqatar mawaxaa jiro infection galo dhiiga oo dhiog la iskaga qaado  qof saxbkay ah aya arintan qabay kaadida badaan marka infection dhiiga ah ayaa qabta kudhahen dawo uso qoreen wana kuroonadey Alle kucafiyay marka dhaqtar fadlan iga talo sii xanunkas
Title: Re: Su'aal: 10 daqiiqo gudahood ayaa 5 mar kaadiyaa?
Post by: SomaliDoc on August 19, 2017, 09:17:44 PM
Waxa ugu badan ee keena kaadi badnida waa macaanka, hadduusan qofka qabin ama looga shakki qabin waxaa ku xiga caabuqa kaadi mareenka, waxaadne faahfaahinta ka akhrisan kartaa qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3237.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3237.0)

Midda ku saabsan infekshanka dhiigga kama tarjumayo xanuun gooni ah, hadduu qofka qabo infekshan nuucuu rabo ha noqdo, dhiigga waa laga arki akraa astaamo infekshan in dhiigga laga dareemayo laakiin taasi macnaheedu maahan in xanuun khaas ah uu yahay, faahfaainta ku saabsan infekshanka dhiigga iyo khaladaadka bulshadu ka aaminsan tahay ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5579.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5579.0)