Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ahmetresta2017 on February 13, 2017, 10:47:38 PM

Title: Su'aal: Waxaan ka cabanayaa indhaha?
Post by: Ahmetresta2017 on February 13, 2017, 10:47:38 PM
asc walaalaha webkan sameeyay aad baad u mahadsan tihiin alle khayr ha ini siiyo dhamantiin  suaasheyda hadaan u gudbo waxaan ka cabanayaa indhaha isha midig oo I xanuunta isha kalena ka wayn dhkhtar waan u tagey  dhakhtarkii dawo buu ii qoray kiniin myBulen tablet iyo dawo dhibic indhaha lagu shubayaa Maxitol 5ml markaan qaatey horta wan ku yara ladnaadey lkn ishii isha kale way kawayn tahey dhakhtarna waan tagey dabeysha iyo iftiinkuba way I dhibaan jug hore baa waxaan u malaynayaa inay Iga gaadhey dhinaca koodka ee dhegta xigta markaa ma la oran karaa waa nerve ama isha iyo dhinacaa xiriir miyaa u dhaxeeyo fadlan talo  wacn baan inika rajeynayaa inaad isii saan se maxaa keena in labada indhood kala waynaadaan markaan isha isku qabto ee aan labada indhood isku eeg midbaa wayn mahadsanidiin
Title: Re: Su'aal: Waxaan ka cabanayaa indhaha?
Post by: SomaliDoc on May 22, 2017, 11:07:19 AM
Haddii markii hore indhahaaga isla ekaan jireen, haddane ay kala wayn yihiin, taasina uu dhakhtar kuu xaqiijiyay waxyaabo badan ayaa keeni karo, waa suura gal jugta kaa gaartay isha dhinaceeda inay dhaawac gaarsiisay neerfayaasha isha quudiyo mid ka mid ah, sidaas ayaane keenayso in ishu ka yaraato isha kale, waxaa kale oo ka imaan karo hadduu isha wax gudaha ka soo riixayaan, way ka waynaan kartaa kuwa kale, haddii isha barar ku jiro sida xanuun caabuq ama allarji iyadane way ka waynaan kartaa midda kale.

Marka cillada rasmiga ah waxaa kuu sheegi karo dhakhtar indhaha ku takhassusay oo qalab kaa saaro indhaha iyo hareeraha indhahaba.