Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Degmoo on May 20, 2017, 11:23:55 PM

Title: Su'aal: Waxaan isku arkay qufac riiraxyo leh?
Post by: Degmoo on May 20, 2017, 11:23:55 PM
asc waan salamaay somalidoc waxan rabaa ina iga jawab su.aal. waxan mudo badan isku arkayay qufac  riiraxyo ah  markuu kuleelka jirana qufac saaid ah iyo neefta igu dhagaysa marmarna waxaan is isku arkay inaa dhiig tufo marka ordo oo xuurtoodo ama qaado waxyaalobadan daalo dhig  soo tufayo dhaqtar u tagay elerji  waaye i dhahay    taas lafteeda ku arkay gaber walaashay ah ayadana dhiig tuftay.marka doc muxuu noqon karaa xanuunkas waaku wareeray dhaqtarna baarid badan sameeyay waa elerji     
Title: Re: Su'aal: Waxaan isku arkay qufac riiraxyo leh?
Post by: SomaliDoc on November 28, 2017, 02:03:53 PM
Riiraxyada kaligeed iyo qufaca wuu noqon karaa Allarji, laakin haddii aad dhiig tufaysid waa in baaritaan dhinaca sambabada iyo wadnaha lagugu sameeyaa si looga shakki baxo xanuuno keeno in qofka dhiig tufo, qufacne la yimaado, waxaa xanuunadaas ka mid ah: Tiibishada, Wadne xanuunka iyo cillad xididada sambabada ku dhacdo.

Fadlan akhriso qoraal aan hadda ka hor kaga hadlay waxyaabaha riiraxyada keeno iyo siyaabaha lagu kala garto: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4948.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4948.0)