Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Jibril Ahmed on May 21, 2017, 01:05:41 PM

Title: Su'aal: Xanun xiliga biyo baxa?
Post by: Jibril Ahmed on May 21, 2017, 01:05:41 PM
Asc w wr Dr Mahdi & somalidoctor dhaman
Salan kadib.waad kumahad santihiin deeqda caafimaad & talada caafimaad ee aad ugu deeqdeen dad weynaha somaliyed waxan leeyahay ilahay ha idinka ajarsiiyo hana idiin siyaadiyo cilmigiina.
Waxan idin waydiinayaa maxaa keena xanuun xiga biyobaxa waxan dareemaa xanuun marka  biyuhu iga imaan nayaan xanunkan waxan kadareemaa xubinta taranka ilaa lugta bidixda ah dhankeeda  xiga dhanka midig   ilaa jilibka ilaa xiniinta bidix  mudo bilo ah baan dareemayey xanunkas mahad sanid dortor
Title: Re: Su'aal: Xanun xiliga biyo baxa?
Post by: SomaliDoc on November 28, 2017, 02:17:21 PM
Xilliga biyo baxa oo la dareemo xanuun waa cillad lagu arko ragga qaarkood waxaana laga dareemaa xubinta, qooraha, qaska illaa canjirrada lugaha.

Waxyaabaha ugu badan ee cilladahaan keeno waxaa ka mid ah:

Sidee loo baaraa cilladaan?
Maadaama muddo aad dareemaysid xanuunkaan waa qasab inaad dhakhtar la xiriirtaa si laguu waraysto oo loo kala sooco cilladaha aan kor ku soo xusay, kadibne laguu diro baaritaanno iskugu jira baaritaan kaadida ah iyo qalab kumbuyuutar oo la saarayo qanjirka borostaatada iyo xiniinyaha.

Sidee loo daaweeyaa xanuunka biyo-baxa?
Daawadu waxay ku xiran tahay cillada kuu keentay dhibkaan aad dareemaysid, laga yaabo in daawo antibiotic aad qaadatin inaad ku fiicnaatid ama qalliin aad u baahatid, laakiin waa muhiim inaad dhakhtar la xiriirtay aqoon u leh cabashadaada.

Haddii aad u baahan tahay faahfaahin dheeraad ah ama su'aalo khaas ah kugu taagan yihiin, igala soo xiriir qeybta messages-ka ee boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia (https://www.facebook.com/HealthySomalia)