Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: YoungAbdirahman on January 18, 2017, 10:47:59 AM

Title: Su'aal: Lugta midig ayaa bawdyada xidid iga qabtaa?
Post by: YoungAbdirahman on January 18, 2017, 10:47:59 AM
Asalaamu Calaykum Walaal aad iyo aad ayaad ugu mahadsantihiin hawshiina aad Bulshadeena u haysaan Allah ha idinka Abaal mariyo.
Een hadaan su'aashayda usoo gudbo Dr lugta ayaa lawga dushiisa ( bowdyada ) mararka qaar xidid waxaad moodo iqabtaa oon ka xanuunsadaa!
waagi aan aad uyaraa ayay wax badan igaga dhaceen.
Marka waxaan rabay bal haday jirto daawo oo Dabiici ah oo loo isticmaalo haday jirto inaad iisheegtaan iyo meelaha laga heli karo (sida Cunnooyinka).
Muddo 3 sanno ka hor ahayd ayaan mar aan Dakhtar utagay ayuu iiqoray daawada irbadda ah ee Ceftriaxone-ta ladhaho oo 5 cisho ahayd iyo Fix (Diclifenac Gel) markii waan ku fiicnaaday Alxmdulilah :) laakiin hadda ayay dib iigu laba kaclaysaa oo mararka qaar ixanuuntaa.
ayadoo aan wali Dhalinyaro ahay (18 sano) hadana Ispoortiga badanaa masameeyo marka taladiina ayaan rabay idinkoo aad iyo aad ugu mahadsan talooyinkiina..
JasaakumLLAAHU khayr.
Title: Re: Su'aal: Lugta midig ayaa bawdyada xidid iga qabtaa?
Post by: SomaliDoc on April 24, 2017, 02:00:05 PM
Xanuunka laguma fahmi karo warbixinta kooban ee aad soo qortay, cilladu waxay noqon kartaa wax murqaha la xiriiro, xididada dhiigga qaado ama neerfaha, mid walbane si duwan ayaa loo daaweeyaa. Waa in lugta la wiisteeyo, baarisne lagu sameeyo.