Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Najiibx on June 28, 2017, 01:49:53 AM

Title: Su'aal: Jilbahayga qac ayay dhahaan?
Post by: Najiibx on June 28, 2017, 01:49:53 AM
Asc ww, bahda Somalidoc, aadbaan idiinkaaga mahadcelinaayaa talooyinka caafimaad ee aad nasiisaan, waxaan ubaahnaa in tala leeyga siiyo xaalada jirta, waxaan isku arkay markaan salaada dukanaaya tusaale markaan sujuudo oo aan soo istaagaaya jilbahayga waxaa ka baxaaya dhawaq markaan istaagaba QAC ayeey leeyihiin imana xanuunaayan jilbaha kaliya cilladaas qacda ah ayaan arkay ee maxaay tahay cilladaas daawase maleedahay Dr aadbaad umahadsantahay.
Title: Re: Su'aal: Jilbahayga qac ayay dhahaan?
Post by: SomaliDoc on April 22, 2018, 01:10:38 PM
Xubnaha oo shanqara waxaa keena in qofku gaboobo, dhaawac kalagoysyada ka gaareen hadda ka hor ama sameeyay isticmaal xad dhaaf ah sida orodka, istaagga IMW, hadduu miisaanka qofka culus yahay, sidoo kale hadduu qofka dhaxal u leeyahay xanuunnada laabatoyinka ku dhaca wuxuu isku arkaa xanuun iyo shanqar, mararka qaarne barar.

Haddii shanqarta ay sii socoto, kalagoyska waxaa ka dhamaado xabagta ama carjawda lafaha kala ilaaliso, cilladaasne waxay isku badashaa xanuun loo yaqaano "Osteoarthritis", ka akhriso link-gaan hoose waxa uu yahay xanuunkaan iyo siyaabaha looga hortago: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2190.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2190.0.html)