Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Muddakar on February 28, 2018, 04:10:39 AM

Title: Su'aal: Neef laabta ah oo sarqanteeda la maqlayo?
Post by: Muddakar on February 28, 2018, 04:10:39 AM
Asc,bacda salaan waad mahadsantihiin walaalaha isu xilsaaray hawshan faa'idada leh. Su'aashaydu waxa weeye.
Muddo aad u badan ayaa waxan laabtayda, barta feedhuhu ku kulmaan ee labada naas dhexdooda, waxan ka dareemayaa, dareen kaliya maaha ee aan maqlayaa, oo waliba aan u malaynayaa sida in uu maqli karo qofka i garab taagan. Cod ama sanqar  neef(hawo) ah oo hah hah hah oranaysa marka aan labadayda gacmood oo soo xusul laaban feerna ii duubanyahay, illaa garbaha marna bidix u dhufto marna midig u dhufto. Sarqantaa oo illaa hunguriga meel u dhaw soo gaarsiisan.
Waagii ay igu cusbayd dhaw jeer ayaan dhaxan isaga shakiyay dhawrkaa jeerna way noqonwayday oo waan ka caafimaad qabaa.
Waxaasu muxuu noqon karaa? mahadsanid.

Aaraar. Ma lihi xiiq, riiraxanyo, ama waxyaabo kale oo saa'id ah oo aan sababteeda u tabanayo.
Title: Re: Su'aal: Neef laabta ah oo sarqanteeda la maqlayo?
Post by: SomaliDoc on December 15, 2018, 12:10:50 AM
Waxaasi waa codka samaysmo markii carjawda lafta sakaarta (xabadka) ay jucsanto, ee ma ahan wax sambabka la xiriira, dhib kalane ma keento laakiin waxaa badanaa lagu arkaa dadka qabo xanuunka la yiraahdo "costochondritis", faahfaahintiisa ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5852.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5852.0)