Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Akhaa Binu Jowhari on June 20, 2016, 04:27:01 PM

Title: Su'aal: Faa'idada ay leedahay cabista caanaha geela?
Post by: Akhaa Binu Jowhari on June 20, 2016, 04:27:01 PM
Ilaahow Dal Nabad ah iyo Dad Cafimad Qabaaa
Ugu horayn Dr waan ku salaamayaa aad ayaan kaaga mahad celinayaa sida wanaahsan aad umadda soomaliyeed ugu caawiso arimaha
cafimaadka intaa ka dib, Dr waxa Ku weydiinaya

faa,idada ay leedahay cabista caanaha geela?
qofkii joogtayo dhib miyaa ugu imanayaa?
Dr adigo mahadsan waxan maqalnay in caanaha geela qofki cabisteedu badsado ama Ku weynaado in haddii had how Ku yimado dhib heer qalin ah aysan karaynin kabaabisada majirtaa? run ama been

Dr waxan kaa rajaynayaa jwb oo ka faa,idi doona dad badan adigana ilaah hakaa abaaal mariyo

RAMADAAN MUBAAR
Title: Re: Su'aal: Faa'idada ay leedahay cabista caanaha geela?
Post by: SomaliDoc on July 16, 2016, 05:21:37 PM
(http://somalidoc.com/Topics/caanogeel.png)

Bismillah...

Casharkeenu maanta wuxuu ku saabsan yahay caanaha geela iyo faa'idooyinka caafimaad ee lagu arkay.

Sida aan wada ognahay geelu waa noole cajiib ah oo waxyaabo badan oo jirkiisa ka mid ah daawo alle nooga dhigay, waa xayawaan mucjiso ah oo gaajada iyo haraadka u adkaysan karo bilooyin sidaasoo tahay hadane isbadal kuma dhacaan faa'idooyinka laga helo hilibkiisa, caanihiisa iyo kaadidiisa intaba.

Caanaha geela waxaa la isku waafaqsan yahay in ay yihiin caanaha ugu caafimaadka badan dunida markii laga reebo caanaha hooyada, waa caano faa'ido u leh yar iyo wayn, lagana helo nafaqooyin badan oo isugu jira waxyaabaha kala duwan oo jirku bini'aadanka u baahan yahay.

Waxaan halkaan ku soo koobayaa dhowr faa'ido oo cilmibaaris lagu arkay, dad badanne wax iskaga garteen markay ay joogteeyeen cabista caanaha geela.

Maadaama caanaha geela aan la karkarin oo toos loo cabo, hal dhib ayaa ka imaan kara oo ah inay wasakh gaarto, taasoo qofka u gudbi karto maadaama aanan la karkarin, wasakhdaas waa mid ka imaan karta qofka lisayo ama mid ka imaan karto xoolaha laftirkooda sida sunta la mariyo oo kale, sidaas awgeed nadaafaddu waa muhiim.
Waaa wax la arko mararka qaar dadka joogteeyo hilibka iyo caanaha geela, subagga iyo hilibka idaha in ay kari wayso sunta dadka lagu suuxiyo taasina waxaa loo saariyaa difaaca ay cunnadaasi uu ka helay jirka, maadaama wax kastoo qalaad oo jirka soo galo ay uga hortagaan, laakiin cabbirka suuxdinta ayaa loo siyaadiyaa dadkaas, sidaas ayaana qalliin loogu sameeyaa.

Akhriso Faa'idooyinka Caafimaad ee Kaadida Geela: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7006.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7006.0)

Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Su'aal: Faa'idada ay leedahay cabista caanaha geela?
Post by: Akhaa Binu Jowhari on July 16, 2016, 08:54:43 PM
Dr thanks
Jwbtaydu waan arkay ilaah hakaa abaalmariyo aduunyo iyo aakhiro by akhaa binu jowhari