Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Said becks on June 20, 2016, 05:41:17 PM

Title: Su'aal: Mudo 6 sano ah waxan aad uga sheegtaa.
Post by: Said becks on June 20, 2016, 05:41:17 PM
Asc wr. Waa Said Abdisalam Da'daydu waa 28 sano Somali doctors, Allaha idiinla garab galo howshad umada somaliyeed guud ahaan uheysaan.

-Waxan qabaa su'aal aan in mudo ah ku taamayay inan idin weydiiyo, balse waqtigu iisaamixi waayay.! Culeyskeygu waa 86kg qiyaas ahaan mudo 6 sano ah waxan aad uga sheegtaa dhib la xiriira lafaha gaar ahaan kala goosyada, sida: Jilbaha iyo anqawga kuwaaso ishanqara qaasatan markaan salada dukanayo, weliba markan SUJUUDA aado Jilbaha madhigi karo anoon gacmaha dhulka ku hormarin... Waxaa xusid mudan inay jiraan dad badan oo dhibkaan ka sheeganaya, Insha Allah waxan rajeynayaa inaad noo faah faahisan Allaha idinka abaal mariyo howshan adag. Mar kale Mahadsanidiin.
Title: Re: Su'aal: Mudo 6 sano ah waxan aad uga sheegtaa.
Post by: SomaliDoc on July 16, 2016, 02:24:54 PM
Kalagoysyo xanuunka wax badan ayaa keeni karo sida in cillad lafaha ay jirto in tayada lafuhu ay yaryihiin iyo in cudur guud oo lafaha saameeyay uu jiro, fadlan akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=403.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=403.0)