Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Samiraa on January 29, 2015, 10:06:30 PM

Title: Su'aal: Xanuun in muda ah iga haayo dhinaca Bidixda?
Post by: Samiraa on January 29, 2015, 10:06:30 PM
Asc. waad mahadsan tihiin marka  hore Alle ajir ha niga siiyo gargarkaad umada u gargareysiin.

Suasheyda waxaa waaye: Xanuun in muda ah iga haayo dhinaca Bidixda.
-Calamadah aan dareemo waxaa waaye guleel  jirka ah i mean like hur ama olal jirka ah iyo xanun lafta feerah ah(taqfasha hoosteda feerah ku yaalo ilaa garabka hostiisa) marka xanunkas waxaa dareemaa markan u jiifto iyo markan rajastiinka xerto lkn hada hanuunkii inta badan waxuu u wareegay Sinta ilaa jilibka gadashiisa meesha laabanto. Xanunkas Sinta waxaa dareemaa markaan fadhiyo 20min iyo markaan jiifanayo. Marka maxuu noqon karaa xanunkas maxaana igula talineysiin.. Jzaakallahu khauran
Title: Re: Su'aal: Xanuun in muda ah iga haayo dhinaca Bidixda?
Post by: SomaliDoc on January 31, 2015, 01:27:11 PM
Muddada aad xanuunsan tahay waa imisa?
Ma leedahay qufac, neefsashada oo ku dhibto?
Ma leedahay wadna garaac iyo daal dhakhso ah? Miisaankaaga waa imisa?
Wax xanuuno kale oo isku ogtahay miyaa jira sida dhiig kar, sokor, kolestarool, xanuun lafaha sida riixa ama roomaatiisam ama xanuun-ka qanjirka thyroid?
Ma jiraan daawooyin aad qaadatid hadda?

Fadlan su'aalahaas ka soo jawaab si aan fikrad uga helno xanuunkaaga.
Title: Re: Su'aal: Xanuun in muda ah iga haayo dhinaca Bidixda?
Post by: Samiraa on February 03, 2015, 10:52:34 AM
Xanuunkaan  dhinaca bidixda ah waxuu i haaye 6bil inta uu uwareegin sinta. Laakiin 2Bil waxuu xanunkii iga batay Sinta.

Ma lihi qufac. neefta  ima dhibto.
Haa  waa leeyahay wadna garaac, marka qaarna waxaa dhareema wadna inuu laciif  i yahay laakin markasto mahan ..Haa waan daalaa cayoow.
Miisankeyga waa 58. Xanuunas midkood ma qabi aad i weydiisay laakiin helekobakteria ayaa qabay oo liga daaweeye.

Title: Re: Su'aal: Xanuun in muda ah iga haayo dhinaca Bidixda?
Post by: SomaliDoc on February 04, 2015, 04:54:24 PM
Xanuunada guurguura ee marba meel kaa qabto waxyaabo badan ayaa keeni kar, ee waxaa habboonaan lahayd in aad la xiriirto takthar cudurrada guud si uu safiican kuu wiisiteeyo qeybaha jirkaaga oo dhan si loo ogaado meesha xanuunka uu kaaga badan yahay iyo waxyaabaha keeni karo, maxaa yeelay way adagtahay in warbixintaada kaliya lagu ogaado meesha xanuunka kaa heesto.
Laga yaabo in ay noqoto xanuun murqaha ah ama lafaha ama xanuun la xiriiro hormoonada jirka ama xanuun kale intaba.

Fadlan la xiriir takhtar aqoon leh, caafimaad ayaan kuu rajaynayaa.