Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ahmed_laas on January 21, 2018, 09:24:10 AM

Title: Su'aal: Kacsi joogto ah iyo dhareerka "Precum"?
Post by: Ahmed_laas on January 21, 2018, 09:24:10 AM
Waxaan ahay nin dhalinyaro ah, da’ ahaana jiro 27. Waxaa dhib wayn iga haaystaa kacsi goor walbo ah, inta badana markaan gabar tellka kula hadlaayo ama wada sheekaysanayno annago is ag joogno (Shukaansi). Hadii aanan ka hadlayn wax sexual ah hataa waxay u badantahay inaan dareemo xoogaa xubinti taranka oo ERECTED noqonayso. Mida kale, mararka qaar, ama inta badan-ba waxaa ka yimaada biyo cad, Af-Somali ahaan wax lagu dhaho ma aqaan, lkn English-ka PRECUM aa la dhahaa. Waan fahmi waayay wax sababo, xanuun kalo ee I haayana ma jiro. Inaan dhaqtar ula tagana waa ka xishooday. Marka waxaan rabaa:

Arrintaas kacsiga joogtada ah, oo xubinta taranka iska kacayso maa caadiyaa mise waa wax cudur sababi karo?
Biyahaan cad ee precum-ka loo yaqaano, iyaga ma wax iska ok ahaa mise dhibaato aa keento?

Maxaana u xal ah labada dhibaataba?
NB: Waxaan ahaa nin aflaanta xun (****) daawashadooda aad u badsaday marki hore. Hadana ka gaaray go'aan inuusan dib danbe u daawan.

Mahadsanidiin.
Title: Re: Kacsi joogto ah (Erection) iyo biyo cad (precum) mararka qaar ah
Post by: Akhaa Binu Jowhari on January 21, 2018, 05:43:19 PM
Ahmed, tallo aan ku siiyo si walaltinimo leh, inta dhakhtarka kaaga soo jawaabin su'ashada.
Haddii aad isku aragtay Kacsi badan aadan lahayn Xaas, fadalan guurso si aad ugu bad baado dambi iyo aakhiro beel, haddii aadan awoodin guurka, sida Rasuulkeenna SCW, noo sheegay waa in aad soontaa 3 beri si uu kaaga jabo Kacsiga. Madaama uu soonka naaqusinayo Hamiga badan, waxa kaloo kuugu dhiiragelinayaa in aad joojiso dawashadaAflaanta anshaxa Xun, taas oo keeni karto Hami xumo, kacsi darro, Diiqo, iyo wax yaabbo kale oo ku saamayn doona beri markaad guursato.


Midda shahwada oo cad, aad dareentid marka aad shukaansi samayso, taas waxa astaan u ah in uu dareenkaaga jinsi uu kacsan yahay oo hor dhac ah, waxana layiraahdaa (Wadi) waxa kaloo jira qofka markuu wax culus uu qaado waxa ka imaanaya wax cad layiraahdo, (Madi) sidaa darteed sxb waxan filayaa in aad fakir ama cashar aad ka baratay.


FG: waxan kuu rajeynayaaa Guur Xallal ah.
Title: Re: Su'aal: Kacsi joogto ah iyo dhareerka "Precum"?
Post by: SomaliDoc on December 11, 2018, 12:18:20 AM
Jawaabta walaalkaa uu ku siiyay oo aan ku taageersanahay waxaan ku darayaa laba arrimood kaliya:
1- Biyaha yimaado markuu dareenku kaco ama galmada ka hor waxaa la dhahaa "Madi", biyaha kaadida kadib iyo markaa culeys qaado la isku arkane waa "Wadi", sidaas ayaa sax ah.

2- Midda ku saabsan dhibaatooyinka daawashada aflaanta jinsiga horay ayaan cashar gooni ah ugu faahfaahiyay waxaana jeclaan lahaa inaad akhrisatid: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7635.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7635.0)