Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Maskaxda => Topic started by: SomaliDoc on March 17, 2008, 06:27:12 AM

Title: Maxay asxaabtu iyo qaraabadu samayn karaan si ay kuu caawiyaan?
Post by: SomaliDoc on March 17, 2008, 06:27:12 AM
Haddii qof kuu dhaw uu waasho, waxay u badan tahay inuu sababo dareen xoog leh. Aad bay u xanuun badnaan kartaa inaad aragto dhibka haysta, waana arrin argagax leh inaad la joogto qof ay ka taallo ama waalan.

Noloshoo dhan bay qasi kartaa mararka qaarkoodna dadku waxayba is arkaan iyagoo ah daryeele aysan dooran.
Waxa sidoo kale jiri kara dhinac wanaagsan. Dhibaatadu dadka way isu keeni kartaa, iyadoo siinaysa fursad ay isugu muujiyaan jacaylka ay isu qabaan si aan horey ugu suuro gal ahayn, tusaale ahaan. Marar badan, dadku waxay farxad ka heli karaan markay arkaan qaraabadoodii
xanuunsanaa oo soo roonaanaya. Waxa kaloo sahlan in la caawiyo qofka haddii dawrka daryeelistiisa lala qaybsado dadka kale. In la helo qof xaaladda lagala hadlo sidoo kale aad bay wax u tartaa.

1- Waa maxay xanuun maskaxeed? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=785.0)
2- Sidee loo baaraa xanuunada maskaxda? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=789.0)
3- Noocyadee bay xanuunnada maskaxdu yeelan karaan? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=791.0)
4- Waa maxay sababaha keena maskax wareerku? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=795.0)
5- Sidee buu nidaamka caafimaadka maskaxdu u caawin karaa? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=817.0)
6- Maxay asxabtu iyo qaraabadu samayn karaan si ay kuu caawiyaan?
7- Sidee baan u hagaajin karaa caafimaadkayga xagga maskaxda? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=826.0)

Wixii su'aalo aad qabtid halkaan ku weydii