Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Yusuf Ahmed on March 09, 2017, 06:12:24 PM

Title: Su'aal: Maxay tahay (Lactose intolerance)?
Post by: Yusuf Ahmed on March 09, 2017, 06:12:24 PM
Asc mudane: Dr 

Aadbadan u mahadsanty sidaad umadada ugu heelany Mar walba uguna iftiimisa Cilmiga eebu ku baray allena ha ka abaal mariyo ajer iyo xasanadna hakA siiyo bada salaan.
Dr waxad inyar I iftimisa sonkorta caanaha ama(Lactose intolerance)  dhakhtarka ayaa dhahay caanaha iyo yogodka   ayay maadadani ku badantay marka waxan jeclaa inaad wax iga sheegto.
Mahadsaid : Dr   
Title: Re: Su'aal: Maxay tahay (Lactose intolerance)?
Post by: SomaliDoc on June 11, 2017, 11:57:50 AM
(http://somalidoc.com/Topics/Laaktoos.png)

U dulqaadasho la'aanta sokorta laktoos, afka qalaadne lagu dhaho "Lactose intolerance" waa cillad dheefshiid oo aad u badan, waxayna timaadaa markii caloosha qofka ay shiidi wayso sokorta nuuca loo yaqaano "lactose" oo badanaa laga helo caanaha iyo waxyaabaha caanaha laga sameeyay.

Qofka wuxuu dareemaa dibbiro, dhuuso badan, shanqar caloosha ah iyo shuban saacado ka dib mar walba uu cuno ama cabo wax ay ku jiraan sokorta "lactose".

Dadka cilladaan qabo waxaa dheefshiidkooda ka maqan dheecaan burburiye loo yaqaano "lactase", kaasoo shaqadiisa tahay in sokorta "lactose" uu burburiyo si jirka uga faa'idaysto. (Waa abuuris ilaahay).

Xalku waa inuu qofka ka fogaado waxyaabaha lactose-ka laga helo sida caanaha, burcadka, subagga laga culay caanaha iyo cunnada lagu daray ama lagu sameeyay caanaha.

Ogow xaaladaan way ka duwan tahay dadka xasaasiyadda ama allarjiga ku qabo caanaha, waxaana taasi loo yaqaanaa "milk allergy", waa xaalad daran oo qofka halis galin karto, wuxuuna jirka diidan yahay maaddo laga helo caanaha lo'da oo loo yaqaano "S1-casein", taasoo qofka hadday jirkiisa gasho uu qaadayo Allarji aad u daran, akhriso qoraal ku saabsan allarjiyada halista ah: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2223.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2223.0)

Maadaama macdanta ugu badan ee laga helo caanaha ay tahay "calcium" ama Kaalisiyam oo lafuhu jirku ka maarmin, waxaa qofka cilladda laktoos qabo lagula taliyaa meelaha uu kaalsiyam ka heli karo sida baamiyaha, koostada, kabbajka, kalluunka nuuca loo yaqaano "sardines" oo lafaha lahayn, lowska iyo yicibta.

Ka faa'idayso qoraallo ku saabsan khudradda laga helo kaalsiyamta ee aan kor ku soo xusay:

Faa'idooyinka Caafimaad Ee Baamiyaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6789.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6789.0)
Faa'idooyinka Caafimaad Ee Kabbajka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6666.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6666.0)
Faa'idooyinka Caafimaad Ee Koostada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6452.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6452.0)

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid noogu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)