Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Jaamac2020 on April 09, 2016, 11:12:00 PM

Title: Su'aal: Hilibka digaaga faiido maleeyahay?
Post by: Jaamac2020 on April 09, 2016, 11:12:00 PM
asc Dhakhtar waxaan kuwediinaya Hilibka digaaga faiido maleeyahay bilaa kan Bacariminta ah oo daawada lagu koriyo......
Title: Re: Su'aal: Hilibka digaaga faiido maleeyahay?
Post by: SomaliDoc on April 26, 2016, 02:28:07 PM
(http://somalidoc.com/Topics/digaag.png)

Digaaga dabiiciga ah wuxuu leeyahay faa'idooyin badan oo ay ugu horayso in laga helo borotiin badan, kaasoo muhiim u ah korriimada murqaha iyo seedaha bini'aadanka.

Waxaa kaloo borotiinka digaaga laga helo ku badan nooca loo yaqaano "Typtophan" oo ah mid waxtar u leh niyadda qofka, waxaa la arkay inuu hoos u dhigo diiqada iyo welwelka maadaama uu borotiinkas sare u qaado dheecaan ay maskaxdu soo dayso oo loo yaqaano "serotonin", sidaas daraadeed, waxaa la dhahaa: Cab maraq digaag haddii aad welwelsan tahay.

Borotiinka waxaa kaloo ka mid ah nooca loo yaqaano "Homocysteine" oo muhiim u ah caafimaadka wadnaha.

Waxaa kaloo hilibka digaaga laga helaa maadada loo yaqaano "phosphorus" oo faaido ugu jirto ilkaha iyo lafaha bini'aadanka iyo shaqada beerka, kilyaha iyo neerfaha.

Waxaa kaloo digaaga laga helaa maadada loo yaqaano "selenium" oo muhiim u ah shaqaynta hormoonada jirka khaasatan kuwa uu soo daayo qanjirka dhuunta ee thyroid-ka loo yaqaano.

Waxaa kaloo hilibka digaaga ka buuxo fitamiinka nooca loo yaqaano "B6" kaasoo muhiim u ah caafimaad xididada jirka.

Waxaa kaloo ku jira fitamiinka loo yaqaano "Niacin" oo alle ka dhigay ka hortag kansar si dabiici ah.

Hilibka digaaga waxaa ka buuxo maadada loo yaqaano "Retinol, Carotene iyo Lycopene" oo kulligood laga wada keenay fitamiinka A, muhiimna u ah caafimaadka indhaha.

Beerka digaaga waxaa laga helaa vitamin-ka B2 oo muhiim u ah caafimaadka maqaarka, wuxuu ka hortagaa dildillaaca maqaarka iyo faruuryaha ku yimaado.

Digaaga la warshadeeyay ama la buufiyay ama la kiimikeeyay, uma roonaa caafimaad ahaan, tayada nafaqo ee laga helane la mid m ahan digaaga dabiiciga ah, waxaa kaloo la xaqiijiyay digaaga gacan rimista ah inay gudbin karaan cudurrada faafa qaar ka mid ah.

Akhriso Halista Maaq Digaagga: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6853.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6853.0)
Haddii aad su'aal caafimaad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaah: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)