Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cishqimagan on June 22, 2016, 11:20:55 AM

Title: Su'aal: Dhukayga (Wax ) muxuu faaiido uleeyahay Dhegta?
Post by: Cishqimagan on June 22, 2016, 11:20:55 AM
Dhukayga (Wax ) muxuu faaiido uleeyahay Dhegta? Bahalka Suufka afka kuwata Oo dhegaha lagaga Soo saaro Dhukayga Wax saameyn ah  Maku leeyahay  Dhegaha?
Title: Re: Su'aal: Dhukayga (Wax ) muxuu faaiido uleeyahay Dhegta?
Post by: SomaliDoc on July 29, 2016, 12:31:11 PM
(http://somalidoc.com/Topics/dhukay.png)

Waad ku mahadsan tahay in aad su'aashaan na soo waydiisay, sababtoo ah dad badan ayaa aaminsan in dhukayga uu yahay wasakh dhagta ku aruurtay oo u baahan in laga nadiifiyo.

Dhegta qeybteeda dibadda wuxuu Alle ku abuuray qanjiro sameeyo dhukayga, markii la sameeyo kadib, wuxuu u dhaadhacaa gudaha.

Dhukayga wuxuu leeyahay faa'idooyin badan oo ay ka mid tahay:

Badanaa qofka uma baahno inuu dhagahiisa ka soo saaro dhukayga khaasatan hadduusan dhib ku haynin, weliba caruurta dhagaha looma nadiifiyo illaa inuu dhakhtar ku taliyo mooyee.

Waxyaabaha keeno in dhegta la nadiifiyo waxaa ka mid ah: in dhukayga uu dhegta owday oo maqalka yaraaday.
Waa muhiim in laga fogaado in dhagaha la qoryeeyo maadaama dhaawac gaari karo xuubka maqalka oo hadduu dilaaco halis noqon karto.

Haddii aad su'aal caafimaad qabtid ku soo waydii qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)