Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Barow on May 10, 2015, 03:49:04 PM

Title: Su'aal: Gabadheyda markay oyso way matagtaa?
Post by: Barow on May 10, 2015, 03:49:04 PM
Gabadheyda wa laba sano jir hadii an ku qeyliyo o ay oyso way matageysa ? maxey tahay sababta dre?

Thanks
Title: Re: Su'aal: Gabadheyda markay oyso way matagtaa?
Post by: SomaliDoc on May 11, 2015, 03:12:38 PM
Waa nooc ka mid ah ooyinta caruurta jirta 2 Sano illaa 5 Sano, waxayna takhaatiirta sheegaan in ooyinta noocaan ahi ay tahay mid caadifad la socoto sida tusaale in dhibka uu la oynaayo cunugga oo ka soo gaaray waalidka, in ooyinta ay naxtin ay keentay iyo cunugga uu waayay waalidkii mid ka mid ah ama qof cusub xanaanayntiisa lagu wareejiyay.
Waxayna ooyinta noocaan u badan tahay xilliga la jiifinayo caruurta ama markii sariirta la geeyo.

Talo: Haddii gabadhaada ay caafimaad qabto oo ooyintaa iyo mataggaa oo marmarka qaar ah kaliya ay tahay, haka walwalin badanaa wax dhib ah ma keento, laakiin ku qeylinta iyo ka nixinta caruurta maskax ahaan uma fiicno ee si kale u canaano.
Title: Re: Su'aal: Marwadeyda waxa hesta cuna xumi. maxa uga hortagi karaa?
Post by: Barow on May 13, 2015, 12:11:40 PM
Mahadsanid Dre sida wacan ad iga so jawabtay su'asheydi hore iyo taladada.
 
Tan kale dre marwadeyda waxan ku arkay cunnada ma qadato sabab cunno la'wayay na majirto Alxamdulillah wan la dananahay.
waxey ku ledahay markii cunnada ay cunayso wax yar ka dib ba waa ku haraahiray wa iga bas  ma aqaan sharobo vitimin ah wan u kenay
calol xanuun ayay igu riday ayay ledahay. 
 wa ku mahadsantahay Dr
Title: Re: Su'aal: Gabadheyda markay oyso way matagtaa?
Post by: SomaliDoc on May 16, 2015, 05:22:34 PM
Hadduu cunnada ay ku dibbirayso ama ku haraahirayso ama ku laabjeexayso waxaa dhici karto in dhibkeeda uu gaas yahay ama dheefshiid xumo ee talooyinka qoraalladaan ku qoran raac:
1- Gaaska: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html)
2- Dheefshiid Xumada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3218.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3218.0.html)

Wixii talo aad u baahan tahay waad an soo waydiin kartaa, fadlan su'aal kasta oo ka duwan tii hore ku soo gudbi bog cusub si ay u sahlanaato ka faa'idaysiga akhristayaasha kale.
Title: Re: Su'aal: Maxaa keena yiridka ku dhaca Ilkaha?
Post by: Barow on May 17, 2015, 10:00:53 AM
Asc dre wad ku mahadsantahay.

dre waxan isku arkay markii cadayga an cadayanayo Ilkaha o dhiig ka yimado shiir yar o an wali dadka kale ila daremin.
dre maxaa kena dhiigas maxase loga hortagi karaa
Mahadasanid |Dear dre
Title: Re: Su'aal: Gabadheyda markay oyso way matagtaa?
Post by: SomaliDoc on May 20, 2015, 02:25:14 PM
Fadlan halkaan ka akhriso qroaal ku saabsan Yiridka ama Cirid-dhiigga: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1409.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1409.0.html)