Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Elmi Hirabey on August 21, 2015, 12:54:25 AM

Title: Su'aal: Calool majiirka ilmaha dhashey?
Post by: Elmi Hirabey on August 21, 2015, 12:54:25 AM
Asc , marka hore dhakhtarrada waxaan uga mahad celinayaa page-ka ay noo fureen iyo weliba fursadda ay noosiiyeen inaanu su'aallo soo weydiinno . su'aalsheydu waxey tahay : calool majiirka ilmaha dhawaan dhaashey maxaa sababa ? in markii naaska LA nuujiyoba garabka lasaaro oo ladaacsiiyo kaliya makufilantahay ? waxaan loo yaqaano maa'ul ghariib(greeb water) malasiin karaa ilmaha mase kacaawiyaan calool majiirka ? .ILLAAHEY miizaankiina xasanaatka ha idiiku Dario hawsha aad umadda u heysaan.
Title: Re: Su'aal: Calool majiirka ilmaha dhashey?
Post by: SomaliDoc on August 21, 2015, 02:39:22 PM
(http://somalidoc.com/Topics/muluq.png)

Waa maxay calool majiirka nuunaha?
Calool majiirka ugu caansan ee nuunayaasha ku dhaco waa mida ka dhasha hawada caloosha ku xiranto, waana cillad ku badan caruurta u dhaxayso da'dooda 1 illaa 4 bil maadaama korriinka calooshooda iyo mindhicirrada aysan dhameestirmin.

Qiyaastii boqolkiiba 70 ka mid ah caruurta waa lagu arkaa calool majiirka.
Waxay ku dhici kartaa caruuta naaska la nuujiyo iyo kuwa dhalada caanaha lagu siiyo labadaba.

Maxa keeno calool majiirka nuunaha?
Dhibka wuxuu imaadaa markii hawada uu ilmaha nuugay markuu caanaha la siinayay naaska ama dhalada labada ha ahaato in ay ku xirmaan caloosha oo ay cadaadis saaraan mindhicirrada iyo caloosha, waxay dhibtaan timaadaa haddii lexdaan sabab mid ka mid ah ay dhacdo:

Sidee lagu ogaan karaa in cilladaan cunuga hayso?

Sidee arintaan loo xallin karaa?
Waxaa ugu muhiimsan 3 shay in aad samayso si aad uga hortagto cilladaan ama u yarayso:

Haddii hooyo kasta oo ilmaheeda nuujiso ama masaasad caano ku siiso ay raacdo talooyinkaas, ilaahay idinkiis calool majiir ma arkayo cunugeeda.

Akhriso qoraaladaan faaidada leh:
1- Faaidada Naas Nuujinta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,382.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,382.0.html)
2- Sidee loo badiyaa caanaha naaska: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5931.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5931.0.html)
3- Xiriirka naas nuujinta iyo uurka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2529.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2529.0.html)
4- Buruqda naasaha ku samaysanto: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2224.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2224.0.html)
5- Maxaa yareeyo caanaha naasaha?: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5596.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5596.0.html)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)