Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Guud => Topic started by: SomaliDoc on November 02, 2007, 10:16:05 PM

Title: Miyir Beelidda
Post by: SomaliDoc on November 02, 2007, 10:16:05 PM
(http://somalidoc.com/Topics/miyirbeel.png)

Miyir beeliddu waa isbeddel lama filaan ah, oo aan la koontaroolin oo ku dhaca hawlaha maskaxda. Tan waxaa badanaa lagu tilmaamaa weerar lama filaan ah, ku soo boodid iyo weerarro.
Suuxiddu waxay ka timaaddaa miyir beelid muddo socotay.
 
Calaamadaha Miyir Beelidda
Mararka qaarkood dadku waxay dareemaan calaamad digniin ah oo ka soo horreysa miyir beelidda. Tani waxay noqon kartaa dareemidda si in aad leedahay, madax xanuun, aragga oo isbeddela ama dhawaaq la yaab leh. Waqtiga u dhexeeya calaamadda digniinta iyo miyir beeliddu wuu kala duwan yahay. 
 
Waqtiga miyir beelidda waxaa laga yaabaa in ay jiraan:
• Dhaqaaq jidh oo aan la koontaroolin karaynin sida jidhka oo giigsama, ruxasho ama af qalloocsan
•  Miyir beelid indho taagmid ah
• Neefsashada oo dhibaato noqota
• Dhareerid 
• Saxaro ama kaadi ceshan waayid
• Jahawareer 
 
Qofku aad ayuu u daallanaan doonaa oo wuu isku dhex yaaci doonaa miyir beelidda ka dib. Isku day in aad xasuusato waxa dhacaya waqtiga miyir beelidda ka hor oo soo qora. Ku soo dar taariikhda, waqtiga, inta uu ku hayey, iyo waxa dhabta ah ee dhacay marka aad dhakhtarka u imaanaysid.

Sababaha Miyir Beelidda
Mar walba lama yaqaanno sababta ay dadku u miyir beelaan. Sababahase waxaa ka mid noqon kara:
• Dhaawac madaxa ku yimaada  ama gaaray qofka mar hore.
• Cadaadis maskaxda la saaro oo ka yimaada buro, jeermis ama dhiig bax
• Qandho aad u daran khaas ahaan caruurta yar
• Aalkolo iyo mukhaadaraad isticmaalid maskaxda saameeyay
• Dhibaato aad ku dhalatay
• Daawooyinka qaar
 
Daryeelkaaga
Takhtarkaaga ayaa isku dayi doona in uu ogaado sababta keentay miyir beelidda, waxaa laguu diri doonaa baaritaano kala duwan oo ay ka mid tahay sawirka maskaxda ee CT ama MRI scan.
Daaweynta waxaa ku jiri kara daawooyin ama qalliin. Miyir beelidda badankeeda daawo ayaa wax looga qaban karaa. Daawooyinka u qaado sidii lagu faray. Xiro jijimo ama wax luqunta la surto oo aqoonsi caafimaad ah. Dadka miyir beelidda qaba waxaa laga yaabaa in aan loo oggolaan in ay baabuur wadaan.

Akhriso Cudurka Qallalka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2246.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2246.0.html)
Akhriso Cudurka Suuxinta Isyeelyeelka ah "Hysteria": http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6005.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6005.0.html)


Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)