Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: SMF on March 15, 2009, 08:40:09 AM

Title: Su'aal: Cholesterol-ka iyo Murugada?
Post by: SMF on March 15, 2009, 08:40:09 AM
WAXAAN DOONAYAA IN AAN WAX KA OGAADO DHAKHTAR BAADHITAAN IGU SAMEEYEY OO II SHEEGAY IN AAN AHAY HIGH CHOLESTEROL.DABADEED DHAKHTAR KALE OO MARAYKAN AH OO QALAB CASRIYA ISTICMAALAYA AYAA II SHEEGAY IN AAN AHAY HIGH CHOLESTROL BALSE WUXUU AAD ULA YAABAY DA'DAYDA OO AHAYD 25JIR IYO MISAANKAYGA OO AHAA 65KG WAXA II KEENAY CHOLESTEROL.KADIB MARKII UU AAD II WARAYSTAY AYUU I WAYDIIYEY ARRIMO AAD KAAGA CADHAYSIIYEY AMA AAD UGA WALLAACDAY AMA UGA MURUGOOTAY MA JIRRAAN DABADEED HAA BAAN UGU JAWAABAY, KADIB WAXA UU IGU YIDHI CADHADA IYO MURUGADA ISKA ILLAAL.DABDEED TALADDIISII WAAN QAATAY WAXAANAN MUDDO ISKA ILLAALIYEY CADHO NIYO MURUGO SADDEX BILLOOD KA DIB AYUU I BAADHAY WAXA UU II SHEEGAY IN AY CHOLESTEROLKAYGII AAD HOOS UGU DHACDAY .IMINKA MUDDO SANAD IYO BADHA ISMAAN BAADHIN WAX XANUUNANA OO AAN DAREEMAANA MA JIRTO.MARKAA WAXAAN DOONAYAA IN AAN OGAADO IN CADHADA BADAN IYO MURUGADU AY QOFKA KA DHIGI KARTO HIGH CHOLESTEROL IYO WIXII TALO EE AAD IGU SOO KORDHIN LAHAYDEEN.
Title: Re: Suáal: Cholesterol-ka iyo Murugada?
Post by: SomaliDoc on March 18, 2009, 11:40:13 PM
Way jiraan argatiyo qaba in murugada iyo diiqada ay kor u qaadi karaan kolistaroolka inkastoo aysan jirin hab la isku raacsan oo ay u keeni karaan, laakiin waxaa la malaynayaa in labadaan dariiqadood mid ay kor ugu qaadi karaan:
1- In murugada jirku ku qasabto inuu soo saaro energy badan si uu u la tacaalo xaaladaan isku buuqa ah oo ku soo siyaaday sidaa awgeedne waxa siyaadayo ay ka mid yihiin "Fatty acdi iyo Golucose" kadibne beerkune kolistaroolka kor u qaado.

2- Waxaa la aaminsan yahay in diiqadu qofka ay ka dhigto qof aan dhaqdhaqaaqin dhici kartane in waxyaabaha isku hilmaansiiyo murugada ay ka mid tahay cunno cunid badan, sigaar cabid iyo jimicsi iyo dhaqdhaqaaq la'aan taasoo keeni karto in kolistaroolka kor u kaco.

Aragtidaan ah in murugada ay kor u qaadi karto kolistaroolka waxay soo if baxday sanadka 2005 markii baaritaan ay sameeyeen khubaro ka tirsan jaamacada university college london ay arkaan in murugada raagta ay keeni karto High cholesterol.
Waxyaabaha ay soo bandhigeenne waxaa ka mid ahaa in murugada ay saameyn ku leedahay wadnaha iyadoo kor u qaadi karto Kolistaroolka.

Somalidoc