Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Zohrah_3 on September 21, 2012, 10:53:49 PM

Title: Genetical Diseases - Cudurada Hidde
Post by: Zohrah_3 on September 21, 2012, 10:53:49 PM
Asalaam calaykum dear doctors,

I need your help, i know a parent who is has a child, and the doctors r suspecting genetical diseases. They have not made any diagnosis, because they r still doing some medical examinations, however the doctor said for now that is all they know. The problem was, that i was traslating for this family, and since my somali is somehow poor, i was not able to make them undersand it well, n besides they(the father n mother) r simple people who probably never went to school. i noticed that when the doc started explaning the biological aspect of they syndrom, XY n XX, since this disease( they dont know yet wt its called) is a genetical disease.

So plz if u can explain that to me in somali, so that i can print it for him. Just general explanation till we get the diagnosis.


thnx alotttttttttttttt
Title: Re: Genetical Diseases - Cudurada Hidde
Post by: SomaliDoc on November 10, 2012, 03:07:39 PM
Waa maxay xaaladda hidda-socodku ama cudurada lakala dhaxlo?
Xaaladda hidda-socod "Genetic Condition" waa jirro ay keento isbeddel ku yimaad hidda-wade "Chromosome". Waxa jira kumanyaal xaaladaha hidda-socodka, iyo kuwo cusub oo la ogaanayo wakhti kasta.
Jirkeenu wuxu ka samaysan yahay kumanaan milyan oo unug. Unug kasta gudihiisa waxa ku jira tiro hidda-wadayaal ah. Hidda-waduhu waa jirka “tilmaantiisa”.
Jirkeenu wuxuu akhriyaa hidda-wadaha oo uu u adeegsadaa tilmaanihiisa si uu u sameeyo maadada borotiinka ee aynu ka koobanahay. Tusaale ahaan, waxa jira hidda-wadayaal sida waxyaabaha midabka indhaha iyo dhererka.
Hidda-wadaha waa la dhaxlaa (waxa kuu soo gudbiyaa waalidkaa). Taas weeye sababta aad waalidkaa ugu eg tahay.

Sidee hidda-waduhu uga soo gudbaa waalidka?
Hidda-wade kasta oo ku jira jirkaagu wuxuu leeyahay laba nuqul. Marka dadku ilmo dhalaan, waxay gudbiyaan hal nuqul oo hiddawade kasta oo jirkooda ku jira. Ilmuhu markaas wuxu wataa xirmo dhan oo hiddawadayaasha aabaha iyo xirmo dhan oo xagga hooyada.

Xaaladaha hidda-socodku ma waxay markasta ka yimaadaan waalidka?
Ma aha markasta. Xaaladaha hidda-wade ama hidda-wadayaal. Marmar isbedelkaas waxa laga dhaxlaa waalidka.
Marmar, isbedel ayaa ku imaan kara hiddawade.
Isbedelo cusub ayaa waqti walba ku dhaca jidhkeena. Badanaa isbedelaasi waa yartahay oo ma keenaan dhibaato waayo:
• Waxaa laga yaabaa in aanay bedelin macnaha fariinta.
• Jirku waxaa laga yaabaa inuu u baahan yahay hal nuqul oo shaqaynaya si fariintu shaqada u qabto.
Marmar, isbedel dhab ah ayaa ku dhaca hiddawadaha oo aanay mar danbe fariintu macno u samaynayn jidhka. Markay taasi dhacdo, fariinta looma raaci karo si saxa oo waxay u horseedi kartaa dhibaatooyin.
Haddii uu isbedel dhab ah ku yimaado hiddawadaha unuga shahwadda (aabaha unugiisa manida), ama unuga ukunta (hooyada unugeeda ugxanta), waxay u gudbi kartaa ilmaha. Markay taasi dhacdo, waalidku ma laha xaaladda hidda-socodka laakiin ilmaha ayaa qaba.

Wax laga samayn karaa ma jiraan waxa keenay ama lagaga hortagi isbedelka hidda-wadaha.
Badanaa ma jirto si ay waalidku ku ogaan karaan in isbedel dhacay illaa ilmahoodu bilaabo inuu yeesho calaamadaha xaaladda jirta.

Ma jiraa baadhitaan lagu samayn karaa isbedelada hidda-wadaha?
Baadhitaan waa lagu samayn kara hiddasocodka, laakiin waa xaalado hidda-socod oo gaara oo qudha. Baadhitaanka badanaa meel shaybaadha ayaa lagu sameeya muunada dhiiga.
Baadhitaanka hidda-socodka waxa loo adeegsan karaa si loo xaqiijiyo ogaanshaha cudur. Hase ahaatee, haddii xataa baadhitaanka laga waayo isbedel, waxa laga yaabaa inuu qofku misana qabo xaalad hidda-socod. Weydii dhakhtarka ama la-taliyaha hidda-socodka si aad u hesho inta ay le'egtahay runta baaritaanka hidda-socodku.

Haddii aad xaalad hidda-socod ada qabto oo aad guursato gabar iyadane leh xaalad hidda-socod taa la mid ah waxay caruurtiinna halis ugu jiraan in ay idinka dhexlaan xanuun hidda-socod sidaa darteed ayay dhakhaatiirtu iyo diintuba ku talisaa in laga fogaado guurka qaraabada iyo ilmo-adeerrada, maxaayeelay ilma adeerka koowaad wuxuu wataa halis 4 jeer laba laaban oo ka bdan ilmo adeerka labaad in aad isku hidda wadayaal noqotaan.

Marka waxaa caafimaadka ku jiraa in aan ilmo adeeryaal iyo ilmo abtiyaal la guursan, badanaa qoomiyaatka kala guursada oo dunida ku nool sida qabiillada qaar ee ku nool Afrika, Asia iyo South America waxay caan ku yihiin xanuunno hidda-raac ah oo u gaar ah iyaga oo aan laga helin meelo kale, taasna waxay ku timid is guurguursiga qaraabadaas.

Cilmiga wuu hormaray hadda oo waxaa la ogaan karaa haddii la baaro hidda-socodkeenna meesha aan ka soo jeedno iyo cudurrada aan xambaarsannahay iyo qawmiyaatka kale ee nagu dhex qasan iyo goorka ay na soo galeen iyo macluumaat badan, waxana sanadkii 2003-aad cilmibaarayaasha soo gabagabeeyeen mashruuc socday 13 sano oo lagu baarayay laguna diraaseynayay hidda-wadayaasha biniaadanka ku jira iyo macnahooda kuwaasoo gaaraya 25,000 oo hidda wade.

Halkaan ka akhriso baaris lagu sameeyay ragga soomaaliyeed hidda-socodkooda meesha uu ka soo jeedo iyo warbixnno kale, baaritaankaan oo la sameeyay sanadkii 2008-aad: http://mathildasanthropologyblog.wordpress.com/2008/07/30/somali-y-chromosome-study/ (http://mathildasanthropologyblog.wordpress.com/2008/07/30/somali-y-chromosome-study/)

Waxaan filayaa in aad wax ka fahmi doontaan ama fikrad kooban ka qaadateen cilmiga hidda-socodka maxaa yeelay arrintaan waa cilmi gooni ah oo la barto ee maahan wax hal cashar lagu sharxi karo ama aad safiican ugu fahmi karto.

Guurka iyo Cudurada Hidde-socodka, Akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4217.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4217.0.html)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)