Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Omarmohamed on February 03, 2016, 02:27:20 PM

Title: Su'aal: Afkeyga si walbo iyo dawo walbo oo aan ku cadaydo wuu shiiraa?
Post by: Omarmohamed on February 03, 2016, 02:27:20 PM
asc magaceygu waa omar waxaan ahay 20 sano jir waxan ku noolahay magalada muqdisho waxaan rapaa inaan su'aal quseyso Dentistry-ga inaan idiin waydo. dhib ayaa i haysta anoo yar baa marki ay micida ii soo baxayaa iga jabtay haaf oo way duleelsan tay marka waan buuxiyay marki xiligaas ka danbeeyay ilaa iyo hadda afkeyga si walbo iyo dawo walbo oo aan ku cadaydo wuu shiiraa oo xitaa waxan isdhahay amay micidi tahay oo mar labaad aan intaan fujiyay hdana aan buuxiyay lkn weli waa sidii oo wax isbadal ah ma jiraan marka ma cilad xaga ilkaha ahaa mise problem kale aa jiro??? iiga soo jwb DR plz.
Title: Re: Su'aal: Afkeyga si walbo iyo dawo walbo oo aan ku cadaydo wuu shiiraa?
Post by: SomaliDoc on February 10, 2016, 02:12:42 PM
Waxaa jira dad badan oo aamisan in afkoodu shiirayo iyadoo wax ur ama shiir ah uusan jirin, wayna dhib badan tahay in lagu qanciyo qofka inuu afkiisa shiiraynin.
Haddii aad leedahay cirid barar ama ciridka ku aadan meesha iliga laga buuxiyay hadduu leeyahay meel kuus oo markii la riixo ku danqanayso ama malax meel gashatay oo kale ama iliga uu midabkiisa is badalay, waa laga yaabaa in ay infekshan qaaday sidasne urka aad ku dareemayso.
Waxaa kaloo jira oo urka keeni karo haddii ay jirto cilald quumanka ah, ha ahaado caabuqa quumanka ku dhaco ama dhagaxaanta quumanka ku samaysmo.
Fadlan akhriso qoraalladaan la xiriiro Af-shiirka:
1- Af-shiirka / Af-urka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1610.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1610.0.html)
2- Cillada dhagaxaanta quumanka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2601.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2601.0.html)