Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Dr baddal on August 25, 2011, 01:20:17 PM

Title: Su'aal: Glaucoma treatment?
Post by: Dr baddal on August 25, 2011, 01:20:17 PM
Salaamulaahi caleeykum taqaatiirta sharafta mudan.salaan ka dib,
Waxaan ahay 24 laga helay cudarka glaucoma-da, waxaan u tagat dhaqtar, waxuu iigu yiri waxaa ku haayo oo kuu dheer glaucoma-da aragti hooseeysa ama myopia (short-sightedness), waxuu ii soo qoray muraayada araga saxa, arintta glaucomadane waxuu ii soo qoray eye drops, oo magaceedu yahay TOMOLOL, waxuuna iigu yiri waad isticaali doontaa waligaa eygoojadan,intaas waa history-ga oo kooban, su'asheeyda waxeey tahay, waxaan web caafimaad soomliyeed ku arkay, daawo dabiici ah oo la ahay labada cudurba ee kala ah myopia iyo glaucoma, waxaanu leeyahay waxaad isticaashaa saliid zeeytuun, isha dhicib ku sii habeenii karmaakd seexaneesid, sida goojada cml, waxaad kaloo shiidda basal ka dibna biyaheeda malab yar ku dar, ayada sidii goojada cml u isticmaal, oo habeen walba dhibya yar ku sii, labada cudurba weey kaa taayaa insha alaah, marka diktoore adigoo mahadsan arintaasi medically ma saxbaa, hadddi aan isticmaalna maxaa iiga soo gaarayo khasaare ama faaida, insha allaah jawaab waafi ah ayaan idiinka sugayaa?
uugu danbeeytii ka sagoo timolol-ka waligeed la isticamaalayo ma jiraa xal kale oo lagu daweeya glaucomada as medically not traditionally?
Title: Re: Su'aal: Glaucoma treatment?
Post by: SomaliDoc on August 26, 2011, 08:16:01 PM
Arintaan saliid zaytuunka iyo basasha iyo malabka la isku daray caafimaad ahaan mid la baaray maahan, waa laga yaabaa in dadka qaar ay isticmaalaan laakiin faaidadeeda inta ay la egtahay iyo dhibka ay keeni karto mid la garanayo maahan.

Sidaa awgeed talo ahaan waxaan ku siin lahaa, indhahaaga waa xubinta ugu qaalisan jirkaaga, haku baroobeyn daawo aadan aqoonin ama internetka aad ka akhrisay.
Mar walbo la tasho takhtarkaaga.

Way jiro dhowr nuuc oo goojooyin oo si kala duwan u shaqeeya laguna daaweeyo cudurka gulukooma sidaa darteedna haddii dhaawada Timolol ay wax kaa tari waysay ama aad dhibsatay la xiriir takhtarkaaga si lagaaga badalo.

Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan cudurka glukooma: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1410.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1410.0.html)
Title: Re: Su'aal: Glaucoma treatment?
Post by: Dr baddal on August 31, 2011, 06:58:27 PM
Aad iyo aad ayaad u mahadsantahay diktoore, ilaah kheeyr hakaa siiyo insha alaah.