Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Choukri on January 20, 2015, 11:20:32 AM

Title: Su'aal: Madawga ilkaha ku dhasha?
Post by: Choukri on January 20, 2015, 11:20:32 AM
Asc dhamantin waad mahadsantin dhaman bahdaa cafimaad waxan qabaah :su:aasha ahaa gabadha walashay ayaah qadta madawga ilkaha kuu dhasha waxayna qabta ilaah 4 sano dhawr jiir ayaay iska soo dhaqday maarka laga dhaqoo waay tagayan dabetoo muudo ayaay solabmayan haad 2 sano oo isku xeegta ayaay dhaqday madawgiiy waa kuso labmay ee waxan idinka raba talo aan uu gudbiyo wana idin salamaya dhamantin .
Title: Re: Su'aal: Madawga ilkaha ku dhasha?
Post by: SomaliDoc on January 21, 2015, 12:00:38 PM
Ma ilkaha dhan ayaa midabkooda is badalayo mise xariiqmo ayay yeelanayaan?
Ma isla meeshii ayaa midabka ku soo laabanayaa mise meelo kale ama ilko kale?
Midda kale midabka ma madow (black) ah mise midab kale?

Fadlan faahfaahin dheeraad ah soo gudbi.
Title: Re: Su'aal: Madawga ilkaha ku dhasha?
Post by: Choukri on January 21, 2015, 05:34:42 PM
asc  wan idin salamay dhaman . waxan su:asha intediy ada iwaydisay maay waa folasha hose oo inta muqata iyo inta qarson iyo gawsah iita danbe wanayna kuso labanayan isla meshodiy hore midabkodo naah waa madaw cawlan xega .manay lahayn waax balwadah waxany kuu cadayata dowadah ilkaha iyo caday somali.wana mahadsan tin wllo dhamantin wana idiin duceyaay inoo allah cilmiga idin siyadsho iyo cafimaad dhamantin :
Title: Re: Su'aal: Madawga ilkaha ku dhasha?
Post by: SomaliDoc on January 24, 2015, 05:23:26 PM
Wax badan ayaa keeni karo ilkaha oo midabkooda is badalo, waxaa ka mid ah:
1- Dhaxal (in qoyska ay qabaan midab ku samaysma ilkaha)
2- In ilkaha jug gaartay hadda ka hor
3- In ilkaha ay qabaan xanuun keeni kara in midabkooda badalmo
4- Daawooyinka qaar way badalaan midabka ilkaha sida daawada "tetracycline".
5- Cunnooyinka qaar iyo cabitaannada aashitada leh way badalaan midabka ilkaha
6- In biyaha laga cabo meesha aad ku nooshahay ay ku badan tahay maadada fluoride oo ilkaha midabka ka badali karto ama daawada aad ku cadayato ay maadadaa ku badan tahay.

Way adagtahay warbixinta aad tilmaantay in lagu ogaado dhibka aad soo gudbisay, ee fadlan la xiriir takhtar ilko si uu kuula taliyo una waydii su'aasha ah waxa keenayo inay soo noqnoqdaan markii laga tirtiro waxa ay tahay.

Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan Suuska ama bololka Ilkaha (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,589.0.html)

Waxaa laga yaabaa in qoraalka "Bololka Ilkaha" aad ka faaaidi doontid warbixin dheeraad ah ee haddii aad qabtid su'aalo kale waad na soo waydiin kartaa.
Caafimaad baan kuu rajaynayaa.
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)