Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cishqimagan on April 08, 2016, 04:41:14 AM

Title: Su'aal: Kaniini La dhoho Wow Garcinia Plant Extract?
Post by: Cishqimagan on April 08, 2016, 04:41:14 AM
AsC, Doctor Abdullahi waan ku salaamay, Allaha Kaa Ajir Siiyo Dadaalka aad Umadda U heysid, waxaan Joogaa Dalka India Waxaan Rabaa Inaad Talo iga siiso Arrin yar oo ah, maadaama aan ahay Qof yara Cayilan Waxaan rabaa Inaan is Caateeyo Waxaana waddanka Online ahaan loo Iibsadaa Kaniini La dhoho Wow Garcinia Plant Extract Oo ey ku sheegeen In 4 isbuuc aad ku caatoobeyso. Marka Maxaan ka yeellaa Doctor Dawadaa?
Title: Re: Su'aal: Kaniini La dhoho Wow Garcinia Plant Extract?
Post by: SomaliDoc on April 13, 2016, 03:47:07 PM
Daawadaan waxay saamaysaa beerka, naasahane way bararisaa laakiin miisaan way kaa ridaysaa, sida awgeed waxaan kugula talin lahaa in aad si dabiici ah isku caatayso oo daawooyinka ka fogaato.
Akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6319.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6319.0)