Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Kaltuun on March 14, 2017, 11:26:16 AM

Title: Su'aal: Tiibishada Qanjaha Ku Dhacdo?
Post by: Kaltuun on March 14, 2017, 11:26:16 AM
asc wlalaha soomaliyed ee ku howlan pagekan bacda salaan waxaan rabaa inaan jawaab dagdag ah ka helo amaba sida ugu macquulsan ee laygusoo jawabi karo dr wiil yar aan qaraabo nahay baa lagaa helay TP qanjoodka mudo hada sadex biloodana daawadii waa qaadanayey markii hore ee dhakhtarka la keenay miyi baa laga keenay sankaa dhiig laga furay marki la baaray waaroonaaday marka ayaamo dhowayd buu yarkii dhiig laga furay sanka xinjiro ubadan madaxu xataa waa bararayaa midabkisa wajigana madow bad ka dareemaysaa carabka nabraa kasoo baxay dhakhtarki ban ku celinay ka helay xanuunka marka wuxuu nagu yiri xanuun ban uga shakiyey dheecaan halaga qaado dhakhtar wayn geeya familkisana dhaqalihii ma hayaan hada lagu kaxaynlahaa marka dr maxaad umalaynysa xanuunkaa calaamadaha leh maxadse nagula talin lahyd ilaahay ajar haka siiyee .
wad mahadsantihiin
Title: Re: Su'aal: Tiibishada Qanjaha Ku Dhacdo?
Post by: SomaliDoc on June 21, 2017, 02:43:31 PM
Walaal, wiilka Allaha caafiyo, laakiin inta an ka fahmay warbixintaada kooban uma malaynayo inuu Gondallaariyo ama TB-da qanjaha uu qabo, waxaase jira xanuun badanaa lagu qaldo oo astaamahaa iska leh, laakiin waraysi dheeraad ayaad u baahan tihiin ee toos noogala soo xriiira qeybta messages-ka ee bogeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/messages/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/messages/)

Akhriso qoraal ku saabsan Xanuunka TB-da qanjaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3841.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3841.0.html)