Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Umu shuraim on November 27, 2016, 09:56:01 AM

Title: Su'aal: Dhiig mataqida maxaa sababa?
Post by: Umu shuraim on November 27, 2016, 09:56:01 AM
Asc doctar aad bn kaaga mahadcelinaayaa hawsha balaadhan ee hagar la'aanta ah eed u eysaan bulashadiina.

doctor waxan kuweydinayaa hooyadey ayaa ilaa labo isbuuc xanuunsan waxey matagtey dhiig laabtaa ilaa dhinac dhan baa xanuunaya waliba waxey xanuun saaid ah dareentaa markey cunto wax dufan leh saliid leh , maxaad keeney ayaa ladhihikaraa dhiigaa maxdse kula talin laheyd maamadaa.
Title: Re: Su'aal: Dhiig mataqida maxaa sababa?
Post by: SomaliDoc on December 19, 2016, 10:09:13 PM
Dhiig la matago ma ahan arrin sahlan waxaan kula talin lahaa in aad dhakhtar la xiriirisid maamada, waxyaabaha ugu badan ee u keena bulshada soomaliyeed waa 3 cilladood:
1- Boogta gaas calooleedka oo dillaacdo
2- Dillaac ku yimaado hunguri mareenka.
3- Xididada hunguri mareenka oo dillaaco xanuun beerka ku dhacay awgiis.

Waa in dhakhtar la xiriirtaa si loo kala sooco xanuunadaas, waxaa dhici karta in dhiiga uu soo bato, markaasne xaalada hooyo ay halis gasho.
Fadlan daawo filin aan ku faahfaahiyay hadda ka hor cudurka gaaska iyo astaamaha lagu garto iyo siyaabaha loola tacaalo: https://www.youtube.com/watch?v=-wDP0Ot9izU&t=4s (https://www.youtube.com/watch?v=-wDP0Ot9izU&t=4s)

https://www.youtube.com/watch?v=UP70W9M1dw4 (https://www.youtube.com/watch?v=UP70W9M1dw4)