Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Umu khaalid on January 26, 2016, 06:32:56 PM

Title: Su'aal: Waxaa in mudo ah i xanuunaya dhinaca midig?
Post by: Umu khaalid on January 26, 2016, 06:32:56 PM
Asc dhamaan asxaabta page kan   Sigaara waxaan ugu mahad celinayaa somalidoc.com hadii aan u gudbo Su'aasheyda wxay tahy waxaa in mudo ah i xanuunaya dhinaca midig tusaale xiligaan xanuunka dareemayo waa xiliga galmada iyo markaan u seexdo dhanka i xanuunaya doctor wan tagay waa la i baaray waxba ma aragno ayey leeyihiin hadana xanuunkii waa jiraa maxaa igu caawin lahayd digtoore mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Waxaa in mudo ah i xanuunaya dhinaca midig?
Post by: SomaliDoc on February 02, 2016, 03:40:54 PM
Jirka dhinaciisa midig meelo badan ayay noqon kartaa ee halkee lagaa hayaa?
Ma feeraha, Ma caloosha, Ma miskaha, Ma lugta midig ama gacanta midig, Ma qoorta midig, Mise garabka midig Mise intaba?
Fadlan soo faahfaahi su'aashaada?
Title: Re: Su'aal: Waxaa in mudo ah i xanuunaya dhinaca midig?
Post by: Umu khaalid on February 03, 2016, 09:37:25 PM
Sorry dictoore dhinaca waxaan kawadaa xudunta meel u dhaw oo lugta midigta xigta waaye meeshaas in badan bey I xanuuneysaa siiba xiliga galmada iyo waliba markaan xabad xabad u seexdo aad bey ii kaareysaa inta kale ima xanuunto maxaa u maley neysaa mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Waxaa in mudo ah i xanuunaya dhinaca midig?
Post by: SomaliDoc on February 10, 2016, 02:19:32 PM
Waxaad u baahan tahay in lagaa saaro halkaas qalabka "Ultrasound-ka" si loo ogaado in tubada, ugxan sidaha ma minka inuu dhib ka jiro ama haddii ay tahay xitaa wax ka baxsan xubnaha dhalmada sida qabsinka oo kale oo ku aadan meesha aad tilmaantay.
Fadlan akhriso qoraal ku saabsan qabsinka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6324.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6324.0.html)