Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Nimcooy on April 12, 2015, 11:54:42 PM

Title: Su'aal: waxa i xanuunta naaska bidix hoostiisa?
Post by: Nimcooy on April 12, 2015, 11:54:42 PM
asc Dr ka wad kumahadsantahy sida wanaagsan eed noogu faaiidaysid marwalaba walaalo suaal ayaan kuwaydiin lahaa wa xanuun in mudo ahba aan ku la dhibanahy waxa i xanuunta naaska bidix hoostiisa mudo gaadhaysa 3 sano lkn sandkan udanbeeya waxaan dareemayaa xanuun joogto mar marna isku dhadhaw waxan dareemayaa xanuun sidiin in ay meel islisayso ama meel istaabanayso oo kale siiba markan fadhiyo ama socdo waxay ubadantahay markaan cunto cuno waxan daremaya o kale hadan wax culus qaado oon foorarsado waxan dareemaya in laba shay is kormaryaan o kale
Title: Re: Su'aal: waxa i xanuunta naaska bidix hoostiisa?
Post by: SomaliDoc on April 16, 2015, 09:58:00 AM
Naaska bidix hoostiisa waxaa ku aadan wadnaha, astaamaha aad dareemayso in ay wax is taabanayaan ama is dul fuulayaan markaa fooraarsatid ama dhaqdhaqaaq samasysid waxaa lagu ogaan karaa in feeraha lagaa saaro raajo iyo in wadnaha laga fiiriyo hadduu barar ku jiro taasoo keensan karto in xadkiisa uu ka baxo.

Waxaa kaloo muhiim ah in aad takhtarka u sheegtid haddii ay jiraan calaamado kale oo la xiriiri karo wadnaha ama sambabada sida neefsashada oo ku dhibto, qufac, daal iyo tabar darri, xiiq iyo neef-qaad markaa howl samaysid.

Midda kale ee aad ka dhawaajisay oo ah in aad dareemaysid markaa cunto cuntid iyadane waxaa keeni kara eerno ga sho caloosha iyo jidiinka oo gudaha feeraha u soo riixdo markuu qofka cuno, calaamadaha aa dareentayne waa la dareemi karaa inkastoo ay la socdaan laabjeex badan iyo bog xanuun, halkaan ka akhriso waxa uu yahay xanuunkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,798.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,798.0.html)

Laakiin intaa waxaa ka horreeya oo idil adigoo takthar la xiriiro si baaris guud laguugu sameeyo, sadax sano way badan tahay haddii aadan takhtar la xiriirin.

Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa.