Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hafsa abdullahi on October 31, 2018, 08:21:49 PM

Title: Su'aal: Dhuunta tubooyin la iga galiyay?
Post by: Hafsa abdullahi on October 31, 2018, 08:21:49 PM
asc walal. bilooyin ka hor ayaa dhuunta tubooyin laiga galiyay sababto ah goos ayaa laiga siibay kadib infekshen ayuu qaaday ilaa iyo dhuunta. tubooyin ayaa lgaliyay dhuunta waxan suuxsanaa labo haben iyo malin. laba bilood kadib ayan waxan isku arkay xanuun dhanka dhuunta ah markan qoslo ama qunfoco oo kale waxaa dareemaa ine cirbad u dureyso dhuunta gudaha. dhaqtar ayan tagay wuxu idhahay meesha inee boog tahay ayaa laga yaabaa maalmo kadib we iska bogsan doontaa. laakin sedex bilood ayaa kasoo wareegatay wali waa sideedii.  hadaa wax ka taqaano igu caawi walaal adoo mahadsan
Title: Re: Su'aal: Dhuunta tubooyin la iga galiyay?
Post by: SomaliDoc on March 20, 2019, 10:52:06 PM
Waa sax hadduu infekshanka goosaha aan la daaweyn, wuu malaxaystaa, kadibne malaxda waxay u soo dhaadhacdaa dhinaca qoorta iyadoo maqaarka soo dhex marto, cilladaasi waxaa loo yaqaanaa "Ludwig's angina". waxaa qofka la geliyaa tubooyin malaxdaas looga soo dhuuqayo, waxaana dhici kara in tubadaasi dhaawac ku gaarsiisay ama in malaxda qaar ka mid ah inay gudaha ku dhagaxaysatay, hadduu xanuunka illaa iyo hadda jiro waxaad u baahan tahay in dhuunta iyo qoorta lagaa saaro sawirka MRI scan si loo ogaado xanuunka aad dareemayso, laakiin badanaa markay 6 bil ka soo wareegato xanuunkaasi wuu iska baaba'aa. Caafimaad baan kuu rajaynayaa.