Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Haweenka => Topic started by: SomaliDoc on May 06, 2011, 08:24:58 PM

Title: Baaritaanka Dheecaanka Uur-jiifka ku Hareereysan (Amniocentesis)
Post by: SomaliDoc on May 06, 2011, 08:24:58 PM
(http://findmeacure.com/wp-content/uploads/2009/05/aminocentesis.jpg)Baaritaanka Dheecaanka Uur-jiifka ku Hareereysan (Amniocentesis)

Amniocentesis waa baaritaanka dheecaanka amniotic. Dheecaankaan wuxuu ku hareereysan yahay ilmuhu markuu ilmo galeenkaaga ku jiro. Dhakhtarku wuxuu sambal yar ee dheecaanka ku soo saari doonaa irbad. Baaritaankaan wuxuu ilmahaaga ka hubinayaa cillado lagu dhasho.  
 
Waxaa jira qaddar halis ah oo uu baaritaankaanu leeyahay.
# Soo dusid ama cudur qaadidda dheecaanka amniotic
# Irbadda oo ilmaha taabata
# Dhalmo waqti hore ah  
# Dhicis

Baaritaanka waqtiga ku imow. Qorsheyso in baaritaankaanu uu qaadan doono ilaa 1 saac.
 
Waqtiga Baaritaanka
# Waxaad xiran doontaa goonnada isbitaalka.
# Geddi cad ayaad u seexan doontaa iyadoon calooshaada wax dhar ah saarnayn.
# Caloosha ayaa lagaa dhaqayaa.
# Dhakhtarkaagu wuxuu isticmaalayaa ultrasound si uu u eego ilmahaaga una helo meelo ammaan ah oo dheecaanka amniotic uu ku jiro. Ultrasound waa sawirka ilmahaaga iyadoo la isticmaalayo mowjado cod ah.
# Dhakhtarkaagu waxaa laga yaabaa inuu jirka meesha uu irbadda kaa gelinayo kaa kabuubiyo. Waxaa laga yaabaa in aad xanuun dareento.  
# Marka ay irbaddu gasho ilmo galeenka, waxaa laga yaabaa in aad casiraad dareento.  
# Dhakhtarku wuxuu soo qaadayaa sambal yar oo dheecaanka ah ka dibna wuxuu kaa soo saarayaa irbadda. Irbaddu waxay kugu jiraysaa wax ka 1 daqiiqo ka yar.
# Shaashad ayaa la dhigayaa calooshaada dusheeda ilaa 15-30 daqiiqadood si loo hubiyo garaaca wadnaha ilmahaaga.
# Dhakhtarkaagu wuxuu natiijada baaritaankaaga ku heli doonaa ilaa 2 toddobaad gudahooda. Dhakhtarkaagu adiga ayuu natiijada kula wadaagi doonaa. 
 
Baaritaanka ka Dib
# Maalintaa guriga ku naso.
# Cab dareereyaal fara badan.  
# Haddii ay casiraad ku hayso, dhinacaaga bidix u seexo.

Isla markiiba dhakhtarka u yeer haddii aad qabtid:
# Casiraad daran
# Dheecaan ka soo dusaya hoosta
# Dhiig bax hoostaada ka imaanaya  
# Qandho  
# Ilmahaagu uusan dhaq-dhaqaaqayn
# Wel-wello kale

U sheeg dhakhtarkaaga haddii aad wax su?aalo ah ama walaac ah qabtid.
SomaliDoc