Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Guud => Topic started by: SomaliDoc on December 25, 2008, 08:54:02 PM

Title: Daryeelka Kabka (Cast Care)
Post by: SomaliDoc on December 25, 2008, 08:54:02 PM
Kabku wuxuu lafta dhaawacantay ka ilaaliyaa dhaqaaqidda sidaas awgeedna xanuunka ayuu ka yareeyaa laftuna si wanaagsan ayey u bogsataa. Marka kab la saaro meel, wax sida iskaalshada oo kale ah ayaa la saaraa lugtii ama gacantii kaa dhaawacantay. Ka dibna suuf jilicsan ayaa lagu duubaa maqaarka si luu cufo. Maro adag ama nuuradda kabka ayaa ka dibna la saaraa. Waxay billaabaysaa in meeshu diirranaan dareento. Way adkaanaysaa waxayna ku sameysmeysaa 5-10 daqiiqadood. Shaqaaluhu waxay kuu sheegi doonaan goorta iyo sida aad lugtaada ugu socon karaysid ama gacantaada aad kabka ugu isticmaali doontid.

Daryeelkaaga

Qubeysiga
• Ka fogow in aad kabka qoyso. Suufka kabka ku hoos jira aad ayey u adkaanaysaa inuu engego. Haddii uu qoyana, wuxuu dhibaatooyin u keeni karayaa maqaarka.
• Markaad qubeysaneysid, kabka biyaha ka fogee. Bac dul saar kabka si uu u engegnaado. Bacda afka ku wareegsan gacantaada ama lugtaada kaga xir sharooto si aad uga yeeshid mid u engegan sida ugu suuragalsan.
• Haddii kabkaagu qoyo, isticmaal timo engejiyaha oo ku hagaagsan meesha hoose si aad u engejiso kabka. Engejiyaha hal meel waqti dheer ha ku haynin ama haddii kale maqaarka ayuu kaa gubi doonaa. waxaa laga yaabaa iney qaadato ilaa 2 saacadood iney ku engegto.

Dhaq-dhaqaaqa ama Hawlaha
• Kabkaaga ha saarin meel adag in ka badan 30 daqiiqadood. Cadaadiska maqaarkaaga saaran ee kabka ka hooseeya wuxuu maqaarkaaga u keeni karaa inuu kala googo’.
• Kor ugu qaad lugtaada ama gacantaada dhaawacan meel ka sarraysa dhererka wadnahaaga sida ugu badan ee suuragalka ah. Tani waxay gacan ka geysan doontaa iney yarayso bararka iyo xanuunka dhowrka maalmood ee ugu horreeya.
• Jimci suulashaada ama farahaaga. Taasi waxay gacan ka geysanaysaa wareegga, bogsashada waxayna caawinaysaa xaddididda bararka.

Daryeelka Maqaarka
• Meelaha kabka ka hooseeya ha ku xoqin waxyaabo fiiqan. Taasi maqaarka ayey dhaawici kartaa.
• Waxaad kabka hoostiisa ku rusheyn kartaa waxyar oo boolbaraha carruurta ah, budada galleyda, ama boodhar. Ha isticmaalin waxyaabahaan haddii aad leedahay xaad ama maqaarkaaga meel kabka ka hooseysa laga tolay.
• Isticmaal sharaabad weyn ama suul gelis si uu suulka ama gacanta kuugu diiriyo.
• Isticmaal ciddiyo xoqe si aad u xoqdo wixii meelo aan sinneyn ah ee kabka.
• Isticmaal marwaxad ama timo engejiye maalin walba, ku aaddi qabow, si aad kabkaaga u yeesho mid engegan aadna cun-cunka u yarayso.

Isla markiiba takhtarkaaga wac haddii aad isku aragto:

• Kabuubyo, xat-xato, suul ama faro qabow ama buluug ah
• Xanuun xad dhaaf ah
• Barar kabka ka dhigaya mid soo buuxsamay oo giigsan
• Kab dabacsan ama haddii uu dhinac u durko, waxyeello gaarto, kala jabo, ama wixii kale oo dhibaatooyin ah ee ku yimaada kabka

Iska saaridda Kabka
Kabka waxaa lagaaga saari doonaa miinshaar gaar ah. Waxaad dareemi doontaa oo keliya waxoogaa dubaaxin ah iyo cadaadis kaaga imaanaya dhaqaaqa miinshaarta. Ha isku dayin in aad naftaadu kabka iska saarto.
Lugtaada ama gacanta dhaawacantay waxay u ekaan doonaan kuwo yar marka kabka lagaa saaro. Maqaakaagu wuxuu sidoo kale noqon doonaa mid engegan oo qolof leh. Isticmaal kareem ama saliidda qubeyska si aad u jilciso maqaarka meeshana uga saarto maqaarka dhintay. Shaqaaluhu waxay kuu sheegi doonaan hawlaha aad sameyn kartid si aad u adkayso murqahaaga.

Halkaan ka weydii haddii aad wax su’aalo ama walaac ah qabtid.