Somali Medical Forums

General Discussions => Feel Free Here => Topic started by: Dr.Noora on January 09, 2008, 06:02:05 AM

Title: Tikidhada Dhimasha Dalka Ukraine..
Post by: Dr.Noora on January 09, 2008, 06:02:05 AM
Tikidhada Dhimasha Dalka Ukraine..

Sanad walba  waxaa lagu soo dhaweeyaa farxad xafladeen iyo soo dhaween gaar ah ,laakiin sanadkaan see beey kula kulmeen dadka Soomaaliyeed ee kunool wadanka Ukirane gaar ahaan dadka u joogo Gudbitaanka (Tahriib),

Waxaa xusid mudan in dad badan ee kunoolyihiin wadanka Ukraine dadkaas oo aan waxbarasho u joogin laakiin ujoogaan inee ka gudbaan ama ee ka galaan wadamada dariska ah ee United Europe ah, iyagoo ka gudbaayaan xuduudka u dhaxeeya dadlalkaas gaar ahaan Hungary ….

Dadkaas waxee kugudbaan lug ee uga baxaan wadanka Ukraine waxeena ku lugeeyaan duruuf adag aan sahlaneen ,(qeeb ilmo wata dumar uur leh nooc walba ) qaboow aad u daran  ee dadkaas kulugeeyaan iyagoo ee habeenkii lugeeyaan maalintiina ee kudhuuntaan guryo loo diyaariyay…

Tikadka dhimashada waxee ku gataan dadkaas lacag gaareeso ilaa 4000$ waxaana kaqaata dad Ukraine ah oo wadada gudbiyo gaarsiiyana ilaa xuduudka Hungary..

Soomaali gaareeyso ilaa 100 waxee kujiraan Xabsiyada dalka Ukraine kuwaas oo lagu soo qabtay dariiqa tahriibta , kuwana waa la dhacaa oo inta laga kaxeeyo gobol aa gobol kale la geeyaa oo la dhahaa waa imaadeen Hungry saasna looga dhacaa lacagtooda sijnina kugalaan

Kuwo kalena dhimasho ee wadada kula kulmaan , Sanadkaan 2008 koox gaareeso ilaa 6 qof oo ka gudbeeysay xuduuda u dhaxeesa Ukriane iyo Hungry waxee la kulmeen bal ila fiiriya markaasna arka ma istaahishaa  in dhibkaas dhan loo maro ama naftaada aa halis u galis dhoof dartiis…..

Kooxdaan oo ah kuli Soomali aa markee sii lugeeynaayeen waxaa ladul mariyay wabi qaboowga awgiis barafoobay oo qalalay laakiin mar walba wax walba sida larabo manoqdaan wabigii aa ladumay wiil iyaga kamid ah oo liqay iyagoo u jeedaan inta hartay wax kaalma ahna aa u sameen Karin saasna ayuu ku dhintay intii kalena kusii wadeen socodkooda,
 Laakiin qeebta hartayna kama nasiib fiicneen markee gaareen siligii u dhaxeeyay Ukirane and Hungry ayaa kusoo baxeen askarta xuduudka ilaalisa dhanka Ukirane markaasna ee xabadeeyeen wiil kamid ah kaliya ayaa ka gaaray inuu siliga ka gudbo oo uu ugudbo dhanka Hungry 3 wiil waala soo qabtay gabar lasocotayna baabuurkii intee meel kudhuumatay ayaa baabuurkii askarta dulmaray  ,waxaa loo badinaayaa inuu kas u maray gabadhaas baabuurka 3 wiil oo lasoo qabtayna waala xiray waxee ku darmeen Soomalida kujirta Xabsiyada  Ukirane .

Inaa li Laah wa Inaa Ileeyh Raajicuun , Ilaa goorma ee kujiraayaan dadkeena inee ku dhamaadaan Tahriib marna Doomaha Yaman ama Ukriane Xuduudaheeda  ama Liibiya ama meela kaloo badan??? , Ilaa goormaa ee nafta qofka Soomaaliyeed u ahaaneesaa raqiis  aan la isweediin hadee dhimatayna yeey ka dhimatay???? Ilaa goormaa wadanka uu saan kujiraayaa dadkana eeku khasbanaanaayaan inee kabaxaan iyagoo raadinaayo nolol ka wanaagsan ????
Mase Istaahishaa isbiimeenta ee isbiimeenaayaan dadkaan iyo dhibka ee la kulmaayaan , koleey aniga waxee ila tahay waa wax xaaraam ah Ilaaheeyna quraankiisa wuxuu kudhahay (ولا تلقو ايديكم الى التهلكه) 
Diinteena waa xaaraantimeeysay inuu qofka naftiisa halaago…
Gabagabadii madhahaayi wax kale aan aheen Ilaahooow wadankeena nabad nooga dhig  dadkeenana dhibaatada ka dul qaad Aaamiiin


Dr.Noora
Title: Re: Tikidhada Dhimasha Dalka Ukraine..
Post by: Munim on January 10, 2008, 02:50:55 PM
Thanks Dr noora runtii wa arin naxdin leh lagana xumado oona xanuun badan inaga xita sudan way nagu haysata oo saxaraha ayay dadka maraan si ay uga si gudban libiya to yurub. mararka qaarna waxad arkaysa arday jamacadii dhamaystay oo aadaya tahriib runtii tasna waa niyad jab xoog leh bcz inti yareed oo wax baratay hadi ay tahriib ama isbimayn galaan ya wadankii u maqan ??? faraj cajil ah oo khayr leh ALLAh noo furo wacyi galintana aan badino intii awoodena ah.
Title: Re: Tikidhada Dhimasha Dalka Ukraine..
Post by: Dr.Noora on January 10, 2008, 10:47:42 PM
Amiin Dr Muniim Ilaaheey hanoo furo Faraj dagdag ah Umada SOmaliyed  dhamaantood. w ashkurak cala muruurak ilkariim . Merci
Title: Re: Tikidhada Dhimasha Dalka Ukraine..
Post by: Pharmacist on January 11, 2008, 05:49:48 PM
Walaalayaal waa arin laga fajaco!
Somalida cudur aan daawo loo heyn ilaa hada ayaa ilaahay ku imtixaanay waa cudurka la yiraahdo (BUUFIS) ama TAHRIIB.
Sida lagu yaqaanay dadka tahriibayaasha, waa dad ka aanan heysan meel ay ku noolaadaan, tahriibkane uu yahay xalkii ugu dambeeyay, hadii mushkilo ay ku qabsatane ay ku tala galeen.

Lakin waxa aan la yaabo waa dadkeena qaar oo tahriiba iyagoo kumanaan dollar ah wata ama sida walaalkeen munim sheegayba jaamacado ka baxay oo shahaadooyin wata.

Inta ku dhimatay allaha u naxariisto inta ku fakiraysane allaha xal sariic ah u sahlo.

Amiin
Real Pharmacist
Title: Re: Tikidhada Dhimasha Dalka Ukraine..
Post by: Dr.Noora on January 11, 2008, 08:29:43 PM
Aamiin dhamaantood SOmali meel kasta ee joogaan ALlaha uwada gargaaro w shokran Pharmacist cal mudakhala.