Somali Medical Forums

Health Related Forums => Health News and Events => Topic started by: Shenamic on June 04, 2011, 12:51:30 AM

Title: 25 dhakhtar oo ka socda Guud ahaan Soomaaliya...
Post by: Shenamic on June 04, 2011, 12:51:30 AM


                                  25 dhakhtar oo ka socda Guud ahaan Soomaaliya oo Tabobar 3bilood soconaya uga furmaya Isbitaalka Guud ee Garowe

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. C/risaaq Xirsi oo waftiga ICRC ku qaabiley xarunta Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegay in ICRC ay tabobarkeeda bilaabayso maalinta sabtida ah ee ay bishu tahay 4-June-2011, tabbarku waxa uu ka dhacayaa Isbitaalka guud ee Garowe iyadoo uu noqon doono saddex qeybood oo loo kala qaybinayo saddexda dhinac ee Soomaaliya Puntland, Somaliland iyo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Tabobarkan waxa uu noqonayaa mid ku saabsan qaliimada deg deg ah oo dhakhaatiirta Soomaalida laga caawinayo inay aqoontooda kor u qaadaan ayna ka faa’iadystaan dhakhaatiirta khubarada ah ee hay’ada laanqarta cas ee caalamiga ah ee ICRC, sidoo kale tabobarka waxaa ka faa’idaysanaya Suuxiyeyaasha iyo Kalkaaliyeyaasha ka shaqeeya Isbitaalada Puntland kuwaas oo iyagana aqoontooda kor loogu qaadayo.

Tabobarkan Sabtida ka furmaya Magaalada Garowe ee caasimada Puntland waxa uu yahay mid muhiimad badan u leh Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland iyo bahda Caafimaadka Soomaaliya waxaana codsatey wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland iyado ay wasaaraddu doonayso inay ka shaqeyso kor u qaadida aqoonta bahda Caafimaadka iyadoo ay tahay markii ugu horeysay oo tabobar mudda intaa le’eg soconaya uu ka dhaco Puntland ayna fulintiisa iska kaashanayaan Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland iyo hay’ada ICRC.


Xigasho: http://puntlandi.com/?p=15557 (http://puntlandi.com/?p=15557)