Somali Medical Forums

Health Related Forums => Health News and Events => Topic started by: Kassim on March 03, 2008, 08:48:52 PM

Title: Laba gabdhod oo mataano ah oo dhabarka iskaga dheggan oo ku dhashay Baraawe.
Post by: Kassim on March 03, 2008, 08:48:52 PM
(http://www.baraawepost.com/mataano.jpg)Magaalada Baraawe oo ku mid ah Degmooyinka hoostaga G/Sh/Hoose ayaa waxaa ku dhashay labo gabdhood oo mataano  oo isaga  dheggan dhabarka  Taariikhdu markey ahayd 18 February 2008. Gabdhahaas ayaa xilligii ay dhasheen saacado kadib uu ilaahay kala fojiyey iyadoo Hooyada Dhasheyna ay foolaneysay  muddo dhowr maalmood ah. Haddaba sida idinka muuqata sawirka labadaas gabdhood oo mataanaha ah xaaladooda caafimaad ayaa ah mid aad u liidato  loona baahan yahay in laga qeyb qaato sidii loogu heli lahaa gargaar caafimaad dalka iyo dibadda, iyadoo waalidkii dhalay ay yihiin dad sabool ah, labada gabdhood magacyadooda waxaa la kala yiraahdaa SACDIYO C/LAAHI AXMED, KHADIJA C/LAAHI AXMED, Hooyada Dhashayna waxaa la yiraa RUQIYO XASAN CALI.


Haddaba walaalaha qurba joogta ah iyo Ha’yadaha samafalka iyo kuwa waddaniga iyo ganacsatada iyo Dhaqaatiirta waxaa lala socodsiinaya inay kaalmo Baniaadanimo oo deg deg ah ay soo gaarsiiyaan labada gabdhood oo mataanaha ah qof kasto wuxuu awoodo.

Waxaa laga soo xiriiraaya Maxamed Curane oo laga helo Shirkadda Nationlink Baraawe  0025250-962800

can u imagine what this poor leady have been through, in Westren countery we use  epidural anesthesia for normal V/D, imagine she did not knew she was
carrying twins, imagine a city without a Dr, pepole are dying becuse of basic staff, any way all i can say  SHACABKEENA, IYO WALAALAHEENA, CARUURTEENA, WAXY NOQDEEN, QAAR XABAD KU DHINTAAN, QAARKA KALE NAFAQO DARO, WAX BARASHO DARO, CAAFIMMAD DARO.
ILAAHOOW, ADAA WEYNOO WAAXID AH, ADIGA MOOYEE CID KALE AWOOD UMA LAHA, ILAAHOW UMADA SOOMALIA QALBIGOO ISKU KEEN, MASAAKIINTA DHIPAATEESA DHIPKA KASAAR.
AAMIIN
Kassim
Title: Re: Laba gabdhod oo mataano ah oo dhabarka iskaga dheggan oo ku dhashay Baraawe.
Post by: Admin on March 06, 2008, 11:20:33 PM
Waxaan rajaynayaa oo ilaah uga baryayaa inay helaan dad wax u qabta!
Annagu hadii aanan waxna isku qaban qof ilmaheena wax u qabanaya ma jiraan.

Mahdsanid Kassim