Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Shamsawarfa on December 29, 2016, 10:02:10 PM

Title: Su'aal: Ciridka oo durka?
Post by: Shamsawarfa on December 29, 2016, 10:02:10 PM
Asalamu Caleykum Dhakhtar,

Waxaan arkay in ciridku haduu durkoo in cirird la soo jaro oo lagu tolo meesha ciridku ka yaraaday ama ciridka la soo durkiyo oo plastic la geliyo, laakiin wax dhib ah ma igu keeneysa hadhow? ama ma jira wax dabiiici ah oo lagu soo celin karo ciridka?

JazakAllah khayr dhakhtar

Shamsawarfa
Title: Re: Su'aal: Ciridka oo durka?
Post by: SomaliDoc on March 26, 2017, 10:41:03 AM
Ciridka oo booskiisa ka durka waa cillad bulshada ku badan, waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Gum recession", waxyaabaha keeno waxaa ka mid ah caabuqa ciridka ku dhaca oo aan horay uga hadlanay qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1409.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1409.0)

Qoysas qaar ayay cilladaan ku badan tahay, sidaa darteed waxaa la aaminsan yahay in cilladaan dhaxal noqon karto boqolkiiba 30%, waxay kaloo ku badan tahay dadka cadayga aad ugu xoqa ilkaha oo ciridka dhaawac gaarsiiyo.

Daawaynta ugu horaysa waa in jiridka ciridka la nadiifiyo, qallajiyane lagu daboolo si looga hortago in jeermiska uu dhameeyo ciridka, haddii taasi suura gali wayso, xalka ku xiga waa qalliin in lagu sameeyo iyagoo meelaha banaan lagu tallaalayo unugyo kale si meeshii banaanayd u qarsanto ama  in isla ciridka durkay qeyb ka mid ah la fiiqo oo dib loogu daboolo meesha banaan.

Badanaa wax dhib ah ma keento arintaan laakiin jaaniska in arintaan ay fashilanto way badan tahay, laakiin talooyin badan oo arintaas ka hortagi doonto ayuu dhakhtarkaaga ku siin doonaa markii la guda galo qalliinka tallaalidda.