Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Guud => Topic started by: SomaliDoc on October 29, 2017, 02:48:31 PM

Title: Caabuqa Xiniinyaha (Epididymo-orchitis)
Post by: SomaliDoc on October 29, 2017, 02:48:31 PM
(http://somalidoc.com/Topics/caabuqxiniin.png)

Bismillah,

Waxaan maanta casharkaan kaga hadli doonaa caabuqa ku dhaco xaniinyaha kadibne keeno in xaniintu shuuqdo ama baaba'do.

Caabuqaas waxaa loo kala qaadaa laba qeyb, mid xaniinta laftirkeeda ku dhaco, loona yaqaanaa "Orchitis", mid ku dhaco tubada shahwada oo xaniinta ka korayso, waxaana loo yaqaanaa "Epididymitis", laakiin sida ay u badan tahay labada meelba hal mar ayuu ku wada dhacaa caabuqaan waxaana markaas loo yaqaanaa "Epididymo-orchitis", Badanaa caabuqa hal xiniin ayuu ka bilawdaa, laakiin labaduba hal mar wuu ku dhici karaa, waana cillad ragga ku badan waxayna badanaa ka dhalataa infekshan ka yimid kaadi mareenka ama lagu kala qaaday galmada.

Maxaa keeno caabuqa xiniinyaha "Epididymo-orchitis"?

Yuu ku dhacaa xanuunkaan?
Xanuunkaan wuxuu aad ugu badan yahay ragga da'doodu u dhaxayso 15 illaa 30 sano iyo ragga ka wayn 60 sano.

Astaamaha lagu garto xanuunkaan:
Badanaa xanuunkaan si dhakhso ah ayaa lagu dareemaa calaamadihiisa hal malain ama laba maalin gudahooda, isla markiiba qofka wuxuu dareemaa qooraha oo bararo, xanuun iyo danqasho siyaado ah.
Hadduu xanuunkaan ka dhashay xanuun kale sida aan kor ku soo xusayne qofka wuxuu dareemi karaa astaamo kale oo la xiriira xanuunka keenay, tusaale: hadduu infekshan kaadi mareenka horay kuu hayay waxaad dareemaysaa kaadida oo ku gubto, dhabar xanuun, gumaar xanuun IWM, midda kale hadduu caabuqa ka yimid xanuunada galmada lagu kala qaado waxaa dareemi kartaa dheecaan ibta ka yimaado, qanjirrada saracda ku jira oo barara IWM.
Laakiin caabuqaan xininyaha markuu bilawga yahay waxaa lagu yaqaanaa qandho iyo xanuun siyaado ah oo qofku la miirdaboolmi karo xaaladaha qaar.

Sidee loo baaraa xanuunkaan?

Sidee loo daaweeyaa xanuunkaan?
Markuu xanuunkaan cusub yahay waa in qofka sida ugu dhakhsiyaha badan saacado gudaheeda lagu bilaabo qallajiyo cirbad ah ama kaneeni iyadoo loo fiirinayo xaaladda qofka heerka ay gaarsiisan tahay, daawaduna waa inay noqotaa nuuca ka gudbo xiniinyaha iyo qanjirka prostate-ka sida: Ciprofloxacin, Levofloxacin iyo kuwa ay isku kooxda yihiin ee loo yaqaano "Quinolones".
Baaritaan markii la sameeyo kadib haddii la helo jeermis gooni ah oo loo aaneynayo inuu keenay caabuqaan waa in lagula tacaalo daawada shaqada ku leh khaasatan hadday cilladu ka timid xanuun ka mid ah kuwa galmada lagu kala qaado.
Hadduu jeermisku yahay "Virus" sida midka qaamo-qashiirka oo kale, qallajiye waxba kama taro waa in qofka la siiyo xanuun baab'iye, barar dajiye, qofkuna uu helo nasiino badan, hadduu dhaktharka ka shakkiyo in fayras iyo bakteeriyo labaduba isla socdaan waa in qallajiyo lagu daro daaweynta qaamo-qashiirka xiniinyaha.

Haddii aan la daaweyn maxaa dhacayo?
Xanuunkaan wax ka qabadkiisa waxay ku fiican tahay maalmaha hore ee caabuqu cusub yahay, hadduu qofku daawo qaadan amaba ku baraarugin inuu dhakhtar u tago, afar mid ayay noqotaa xaaladdu:

Talada SomaliDoc:

Qoraallo kale oo xiriir la leh, muhiimna ah:

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)[/list]
Title: Re: Caabuqa Xiniinyaha (Epididymo-orchitis)
Post by: Mohamed Cade yare on November 10, 2019, 01:16:06 PM
Dr  waan ku salaamay Marka hore   su aal  aan ku waydiineyo waxay tahay   


Ninyahow xaniinta bidix Baa ixanuunayso muda 3 bil camal wayna yara yaraatay     burtuqyo malahan     dhow jeer pharmacist  waan utagay dawa ayuu i siiyay lkn ninyahow daawada markaan isticmaal xanuunka  wuu Idaayaa  lkn waxaan leeyahay kacsi fara  badan  kacsiga Kadib xaniintu xanuun bay soo celinaysaa    pharmacist  wuxuu iwu dhahay guurso  dawadaada saas waayo  ninyahow maalmo aa laga joogaa  ee guurku dawa ma noqon karaa  ciladan maxase dawo kale oo lasiiyaa  mahadsanid