Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hiba nuura on June 10, 2017, 08:21:50 PM

Title: Su'aal: Xanuunka quumanka?
Post by: Hiba nuura on June 10, 2017, 08:21:50 PM
Asc dhaqaatiirta sharafta leh salaan ka dib waxaa mudo toban sano ah si aad ah ii xanuuna quumanka dhaqatir badan oo aan u tagayna qaliin bay igu dheheen waxaa kaloo jirta lugta bidix ayaa i xanunta oo socodka i dhibaa la igana dareemaa dad baa igu yiraahdeen quumanka ayaa u sabab ah oo xidid lugta ku jira ayaa barara kadib sidaas ayee lugta kuu xanuneysaa kadibna quumanka bararayo marka digtoor wax saamayn ah oo quumanka lugta ku  yeelan karaa miyaa jira mahadsanid digtoor fadlan jawaab waana u tagay dhaqtar wax jab ah ama xanun kale oo ay lugta ka sheegeen ma jiraan inay dhanka sinta iga xanuunka iiga badanyahay ila tahay iyo qaybta hoose ee lugta
Title: Re: Su'aal: Xanuunka quumanka?
Post by: SomaliDoc on February 23, 2018, 08:04:21 PM
Qaabka aad u tilmaantay labada xanuun, waxay u badan tahay inaysan xiriir ka dhaxayn, quumanka waxaa keeno jeermis ku dhaco, faahfaahintane ka akhriso halkaan iyo qaabka loo daaweeyo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1116.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1116.0)

Midda ku saabsan lugta ku xanuunayso waxaad u baahan tahay waraysi dheeraad ah maadaama ay noqon karaan dhowr xanuun oo kala duwan, marka fadlan dhakhtar la xiriir haddii kale dhakhtarka toos ugala sheekeyso bogga Facebook-ga: https://www.facebook.com/HealthySomalia/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/)