Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Musta on March 12, 2015, 03:10:30 AM

Title: Su'aal: Kaadida ma hayn karo muddo badan?
Post by: Musta on March 12, 2015, 03:10:30 AM
Asc Dr waxaa ka cabanayaa arin ku saabsan kaadida , mudo dheer waxaan isku arkey in kaadidu i dhibto oo marka kaadi i qabato  aan hore musqul ugu baahnaanayo hadii kale igaba soo daadaneyso  arintaa waxaa iga yaabisey oo kale hadii iyadoo kaadi badani iba hayn aan iska xasuusto in kaadi i hayso markaa aan xasuusta ka dib maba hayn karaba oo waa inaan la cararaa , sido kale hadii kaadida oo si xun ii haysa wax kadis ahi attension keyga bedelo  kaadi dhan ba ima hayso waa ilaabayaa waanan sii hayn karaa  arintan wax ugu yeedho waan garan wayey dhawr jeer baan dhakhtar u sheegey  macaan bey iga baadheen waa iga waayeen mid kale waxbaan beerayaa ayuu igu yidhi isna negetive bal markaa wax ha la iigu sheego arinkaa,

Mida kale waxaa haystaaa cilad kale oo ah marka  aan habeenkii hurdo hadii aan  riyoodo  oo biyo iga yimaadaan  mar labaad hadii kacsi dareemo  guska waa i xanuunayaa oo waa inaan dejiyaa hadii kale waa xanuun taagnidiisu  marka labadaa su.aalood iiga jawaaba
Title: Re: Su'aal: Kaadida ma hayn karo muddo badan?
Post by: SomaliDoc on March 14, 2015, 01:43:05 PM
Kaadida aan al xajin karin markii aad niyaysato ama ay ku qabato waxay astaamo u tahay dhowr cudur oo uu ka mid yahay, xanuunada ku dhaca qanjirka borostaatada "Prostate Gland" iyo caabuqa kaadi mareenka.
Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan caabuqa kaadi mareenka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3237.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3237.0.html)
Halkaan ka akhriso dhibaatooyinka ku dhaca qanjirka borostaatada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2119.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2119.0.html)

Mar labaad kacsiga iyo kaadi xanuunka markii aad biyo-baxdo ka dib waa arrin dabiici, waxa keeno iyo qaabka loo xalliyo waxaad ka akhrisan kartaa qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3483.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3483.0.html)